lørdag, januar 24, 2026

Oslo: 10 Qof oo Loo Qabtay Toogasho Ka Dhacday Rommen – Booliska oo Kiiska la Xiriirinaya Kooxo Dhalinyaro Ah

Dhacdadii toogashada ahayd ee ka dhacday xaafadda Rommen ee magaalada Oslo 25-kii Juun, ayaa keentay in looxero 10 dhalinyaro ah. Booliska ayaa kiiskan si dhow ula xiriirinaya kooxo dhalinyaro ah oo horey ugu lug lahaa dambiyo abaabulan. Waxaa kiiskaan ku socda baaritaanno ballaaran oo ay wadaan booliska.

Booliska ayaa sheegay in nin dhalinyaro da’diisu tahay 20-jir lagu toogtay goob fagaare ah, balse uu ka badbaaday. Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada la xiray ayaa horey uga mid ahaa kiisas dambiyada qorsheesan.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in kiiska uu leeyahay “mudnaan gaar ah” ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo caddayn hor leh. Waxa kale oo ay booliisku codsadeen in dadkii marayay agagaarka Trondheimsveien iyo Fossumveien habeenka dhacdadan ay la soo xiriiraan haddii ay hayaan xog ama muuqaal.

Shan dhalinyaro ayaa si degdeg ah loo xiray daqiiqado kadib dhacdada, halka shan kale ay boolisku qabteen maalmaha xigay. Sida ay boolisku sheegeen, inta badan dadka la tuhunsan yahay waa dhalinyaro da’doodu u dhexeyso 17 ilaa 23 sano. Qaar ka mid ah dhalinyaradaas ayaa horey boolisku u yaqaanay. dhalinyarada la xiray waxaa lagu eedeeyaa falal ay ka mid yihiin hanjabaad culus, haynta hub sharci-darro ah, iyo toogasho.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli dowladda Norway ay wado qorshe lagu balaarinaayo nidaamka hurtigspor – kaas oo lagu dedejinayo kiisaska dambiyada ee ay galaan dhalinyarada ka yar 18-ka sano. Nidaamkani ayaa qorshaha yahay in si degdeg loogu helo xukun dhalinyarada dambiyada gala, iyadoo iska kaashanayaan booliska, xeer ilaalinta, barnevern-ka iyo maxkamadaha.

Xigasho/kilde

Aftenposten: Fem menn varetektsfengslet etter skyting på Rommen

Vårt Oslo: Politiet – Skyting på Rommen har høy prioritet


Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x