onsdag, mars 11, 2026

Darawaliinta gaadiidka Norway oo bixiyay 156 milyan oo ganaax ah.

Darawaliinta gaadiidka Norway oo ayaa sanadkii lasoo dhaafay laga qaaday lacag ganaax ah oo gaareyso 156 milyan oo kr, kadib markii ay sawireen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Norway, iyaga oo baabuurta ku wada xawaare ka badan inta uu sharciga ogolyahay. Waxaa darawaliinta baabuurta ay kaamiradu qabatay oo ganaaxay ku dhawaad 37.000 jer

Sanadkan 2025, hey adda wadooyinka Norway ayaa qorsheyneyso in kaamirooyin dheeraad ah la dhigo meelo badan oo kamid wadooyinka Norway.

Kaamirada ku taal tuuneelka Vålerenga ee Oslo ee Oslo ayaa noqotay mida ugu badan ee lagu babaabuurta, sida laga helayo warbixinta cusub. kaamieradaas ayaa qabatay 2200 daerawal, waxeyna soo xareysay lacag gaareyso 9,7 milyan NOK.

Kaalinta labaad waxaa galay kaamirada Granfosstunnelen, halkaas oo laga bixiyay 1291 ganaax oo qiimahoodu yahay 5,3 milyan NOK. Kaalinta saddexaadna waxaa iska leh E6 Otta sør ee degmada Sel, halkaas oo 1270 baabuur lagu qabtay xawaare xad dhaaf ah oo lagu ganaaxay guud ahaan 5,7 milyan NOK.

Tirada qalabka cusub oo kordhay
In kasta oo warbaahinta xoogga saarto lacagaha ganaaxyada, mas’uuliyiinta waxay carabka ku adkeeyeen in badbaadada waddooyinka ay tahay sababta ugu weyn ee qalabkan loo isticmaalo.

– “Qalabkan sawirka ayaa muddo 35 sano ah noqday aalad badbaado muhiim ah oo ka hortagta shilalka,” ayay tiri Hilde Halås, madax waaxeed ka tirsan Hay’adda Waddooyinka (Statens vegvesen).

Waxaa sanadkan la kordhiyay tirada qalabka cabbira xawaaraha celceliska (streknings-ATK), kuwaas oo marka hore la dhigi jiray 1–2 sanadkii, balse sanadkan la filayo in la dhigo 5–6.

Tani waxay ku saleysan tahay qorshihii cusub ee gaadiidka qaranka (NTP) ee la ansixiyay sannadkii hore. Qorshuhu wuxuu xooga saarayaa la dagaalanka xadgudubyada xawaaraha xad-dhaafka ah.

Goobaha cusub ee la dhigayo qalabka cabbira xawaaraha
Qaar ka mid ah meelaha la qorsheeyay in qalabkan la dhigo xagaagan waa:

E10 Lenvika (Nordland) – dhamaadka bisha Sebtember.

E6 Snåsa (Trøndelag) – dhamaadka bisha Sebtember.

E39 Bergheim–Egge (Vestland) – dhamaadka sepmteber.

Rv2 Sigernessjøen–Kongsvinger (Innlandet) – sanadkan gudihiis

E18 Risør–Tvedestrand (Agder) – sanadkan gudihiis.

Blindheimstunnelen (Ålesund) – hal qalab xawaare ayaa halkaas la dhigi doonaa.

Saameyn muuqata:
Hay’adda TØI (Transportøkonomisk institutt) waxay sheegtay in hal qalab oo xawaare lagu cabbiro uu yareeyo shilalka halista leh ee sababa dhimashada iyo dhaawaca daran ilaa 40%, halka qalabka cabbira xawaaraha celceliska uu yareeyo ilaa 54%.

Tusaale ahaan, tunnel-ka Bodø waxaa horay looga helay 870 baabuur oo maraya xawaare ka badan 160 km/h muddo 13 bilood ah – balse hadda tiradaas si buuxda ayaa loo joojiyay kadib markii qalab ATK ah la dhigay.

Ma aha in dad la qabto oo kaliya
– “Qalabkan looma dhigto in la ganaaxo dadka, balse waa in uu caawiyo darawalka si uu xakameeyo xawaaraha una raaco sharciyada gaadiidka,” ayay tiri Halås.

– “Qalabka ugu fiican ee aan leenahay waa midka aanan keenin wax kiis ah – markaas ayaanu ognahay in dadku ay isbeddeleen,” ayay sii raacisay.

Waxay ugu dambeyntii ugu baaqday darawallada in ay taxaddaraan inta lagu jiro safarrada xagaaga: “La soco xawaarahaaga, qaado nasashooyin, diiradda saar waddada, oo iska ilaali waxyaabo kale oo mashquuliya.”

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x