fredag, juli 18, 2025

Warar Been Abuur ah Oo Ka Fiday Dilkii Hønefoss – Eedeysanaha Maaha Soomaali Ama Muslim. Haddaba Waa Kuma?

Ka dib dil argagax leh oo dhawaan ka dhacay magaalada Hønefoss, waxaa si degdeg ah baraha bulshada ugu faafay warar sheegaya in eedeysanaha uu yahay Soomaali iyo Muslim. Si kastaba ha ahaatee, xog rasmi ah ayaa muujinaysa in wararka la faafiyay aysan wax sal iyo raadtoona lahayn. Warbaahinta NRK, oo xogtan ka heshay ilo muhiim ah oo la isku halayn karo, ayaa xaqiijisay in ninka loo heysto falkaasi uusan ka soo jeedin Soomaaliya, sidoo kalena aanu ahayn qof Muslim ah. Wararkan been abuurka ah ka dhex abuuray bulshada dareen nacayb iyo eex ka dhan ah Muslimiinta iyo Soomaalida nool Norway.

Sida laga arkay falcelinta dadweynaha, arrintan waxay muujineysaa halista ka dhalan karta faafinta warar aan la hubin oo saameyn ballaaran ku yeelan kara bulshooyin dhan, iyadoo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay cabsi ka muujiyeen sida si fudud loogu eedeeyo bulshooyinka laga tirada badan yahay marka fal dambiyeedyo dhacaan.

Khabiir ku takhasusay arrimaha bulshada ayaa yiri:
“Waa muhiim in warbaahinta iyo bulshada ay si taxaddar leh u wajahaan xaaladaha noocan oo kale ah. Cidda falka geystay waa shaqsi, mana aha in lagu ciqaabo bulsho dhan.”

Kilde: NRK – Feilaktige rykter etter Hønefoss-drapet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x