mandag, juni 16, 2025

Tiktoklaha caanka ah ee Khaby Lame oo USA lagu xiray

Tiktoklaha ugu caansan, uguna daawashada badan caalamka internetka ee Khaby Lame ayaa lagu xiray magaaladda LASVEGAS ee dalka Mareykanka, sida ay warbixin qoraal ah ku sheegeen ciidanka ilaaladda xuduudaha dalkaas. Qoraalka ayaa lagu sheegay:

Hey’adda socdaalka iyo kastamka ee Mareykanka (US Immigration and Customs Enforcement) ayaa gacanta ku dhigtay Seringe Khabane Lame, oo ah muwaadin u dhashay Talyaaniga, 6-dii Juunyo garoonka diyaaradaha Harry Reid International Airport ee magaalada Las Vegas, gobolka Nevada.

Sababta xiritaanka Khaby ayaa lagu sheegay jabinta sharciga Visaha ama dal ku galka Mareykanka, waxaa tiktoklahan caanka ah lagu eedeeyay inuu mareykanka sii joogay xili uu ka dhacay mudadii uu Visaha heystay. Ninkan ayaa asal ahaan u dhashay dalka Sinigaal, balse waxa uu heystaa dhalashada dalka Talyaaniga.

Khaby ayaa waxaa isku dar baraha internetka kala socda dad gaaraya 200 milyan oo qof, isaga oo qofka ay dadka ugu badan ku xiranyihiin barta tiktok.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x