fredag, juli 18, 2025

Reysulwasaaraha Norway: Waxaan la hadlay Benjamin Netanyahu.

OSLO – Ra’iisul Wasaaraha dalkan Norway Norway Jonas Gahr Støre ayaa galabnimadii Arbacada taleefan kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Norway.

Wadahadalkan ayaa diirada lagu saaray xiisadda u dhaxeysa Israel iyo Iran, iyada oo Netanyahu uu siiyay Støre warbixin ku saabsan aragtidiisa amniga, gaar ahaan waxa uu ugu yeeray halista kasoo fool leh hubka nukliyeerka iyo gantaallada Iran.

“Wuxuu ii sheegay in hadafkiisu yahay inuu meesha ka saaro khatarta Iran ee la xiriirta hubka nukliyeerka iyo gantaallada,” ayuu yiri Støre.

Støre ayaa dhankiisa muujiyay walwalka Norway ee ku aaddan xaaladda gobolka.

“Waxaan u gudbiyay fariin cad oo ka timid Norway oo ku saabsan in la muujiyo is-xakamayn iyo in laga fogaado dagaal weyn oo gobolka ka qarxa,” ayuu yiri reysulwasaaraha Norway.

Intii uu socday wadahadalku, Støre wuxuu sidoo kale xusay xaaladda bani’aadannimo ee aadka u liidata ee ka jirta dhulka Falastiin.

“Waxaan mar kale carrabka ku adkeeyay in Norway ay si cad u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee lagu qaaday Israel 7-dii October 2023, balse sidoo kale aan u aragno in ficillada Israel ee Gaza iyo Daanta Galbeed ay ka hor imanayaan xeerarka caalamiga ah,” ayuu Støre ku daray.

Wadahadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisaddu ka dhex aloosan tahay Bariga Dhexe, iyadoo beesha caalamka ay si isa soo taraysa uga walaacsan tahay suurtagalnimada dagaal ballaaran oo saameeya guud ahaan gobolka

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x