NAV: Luqad xumo iyo nidaam adag oo hor istaagaya qaxootiga inay shaqo helaan!
Tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay Ukraina bartamihii 2022, waxaa dalka Norway yimid ku dhawaad 50,000 oo qaxooti ah oo ka yimid dalkaas. Intooda badan waa dad waxbartay oo leh khibrad shaqo oo sare, taasoo keentay in dowladda Norway ay ka filato inay si degdeg ah uga qeybqaataan suuqa shaqada ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, daraasad cusub oo laga sameeyay NAV ayaa muujisay in caqabado badan ay hortaagan yihiin.
NAV ayaa la qabta dowlada dhexe ee Norway in qaxootiga Ukraina laga caawiyo inay si dhaqso leh u helaan shaqo. Balse, mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ayaa ah aqoon la’aanta luqadda Norwiijiga. Shaqooyin badan oo ka jira Norway waxay u baahan yihiin faham wanaagsan oo luqadda ah si loo ilaaliyo badbaadada shaqada, isfahanka shaqaalaha, iyo helitaanka xuquuqaha.
Waxaa intaas dheer, waxbarashada iyo shahaadooyinka ay wataan dad badan oo ka yimid Ukraina lagama aqoonsana Norway. Tani waxay sababtay in dad leh xirfado sare ay ku khasbanaadaan inay bilaabaan shaqooyin hoose ama kuwa aan la xiriirin khibraddooda. Qaar badan waxay rabeen inay sii wataan xirfadooda – sida macallinimo, kalkaalinnimo ama injineernimo – balse waxaa looga baahan yahay in marka hore ay bartaan Norwiijiga oo heer sare ah, shahaadooyinkoodana loo laga aqoonsado gudaha Norway.
NAV waxay sheegtay in inkastoo dadaal weyn la geliyay in la fududeeyo helitaanka shaqo, ay weli jirto baahi weyn oo loo qabo koorsooyin Norwiiji ah oo tayadoodu sareyso. Waxaa sidoo kale jira caqabado la xiriira isku-darka shaqo iyo waxbarasho – taasoo dhib ku ah qof raba in uu si buuxda isugu filnaado nolol maalmeedkiisa.
Kilde:
NAV – Ukrainere skal raskt i arbeid, men møter flere barrierer