Norway: Dhakhtar lagu xukumay 21 sano oo xabsi ah.

Maxkamadda gobolka Trøndelag ee dalkan Norway ayaa Jimcihii lasoo dhaafay 21 sano oo xabsi ah ku xukuntay Arne Bye – oo horey u ahaa dhakhtarka guud ee degmada Frosta, gobolka Trøndelag – kadib markii lagu helay dambiyo kala duwan oo la xiriir kufsi iyo ku takri-fal awoodeed isagoo isticmaalaya awooda xirfadiisa caafimaad ee dhakhtarnimadda.

Dhakhtartan ayaa lagu helay 70 oo dambiyo kufsi ah iyo 82 kiis oo ah ku takri-falka shaqadiisa, si uu uga faa’iidaysto haween bukaan ah. Guud ahaan, maxkamaddu waxay ku heshay dambi ah 152 eedeymood oo ku qoran dacwadd ay soo gudbisay xeer ilaalintu.


Maxkamaddu waxay sidoo kale go’aamisay in dhakhtarkan laga xayuubiyo shatiga dhakhtarnimo muddo aan la cayimin – taas oo micnaheedu yahay in uusan mar kale shaqo caafimaad qaban karin.


Markii la weydiiyay haddii uu doonayo inuu racfaan ka qaato xukunka, Bye wuxuu sheegay: “Waxaan qaadanayaa waqti aan kaga fekerayo”, sida uu sheegay wakaaladda NTB. Wuxuu haystaa ilaa laba toddobaad si uu go’aan uga gaaro in uu racfaan u gudbiyo.

Qareenkiisa, Erlend Hjulstad Nilsen, ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in ay si buuxda akhriyaan nuxurka xukunka, islamarkaana aysan weli faallo ka bixin karin go aanka ay qaadan doonaa.

Kiiska Arne Bye ayaa si weyn u soo shaac baxay sanadkii 2023, markaas oo dacwadda laga bilaabay maxkamadda. Waxaa lagu eedeeyay in uu kufsi iyo xadgudub jinsiyeed u geystay haween aad u tiro badan oo boqol ku dhow, isagoo adeegsanaya kalsoonida ay bukaanadu ku qabaan xirfadiisa dhakhtarnimo.

  • 94 haween ah ayaa loo aqoonsaday dhibbanayaal dacwaddan.
  • Dacwadda waxaa sidoo kale ku jirtay 87 kiis oo kufsi ah, inkasta oo ninkan dhakhtarka ah uu qirtay kaliya 21 kiis.
  • Wuxuu sidoo kale qirtay inuu si qaldan uga faa’iidaystay xirfadiisa caafimaad si uu ula galmoodo 42 haween ah.

Kiiskan ayaa noqonayo mid kamid ah kiisaskii ugu adkaa ee lagu xukumo qof lagu eedeeyay ka faaiideysiga xirfadiisa caafimaad.

Latest news
Related news