fredag, juli 18, 2025

Nav: DNB oo kumanaan qof maanta u dirtay lacago sifo qaldan ku baxay.

OSLO – Subaxnimadii Khamiista maanta, warbaahinta waaweyn ee Norway sida VG, Dagbladet iyo NRK ayaa soo wariyay in khalad weyn oo dhanka farsamada ah uu sababay in lacago si qaldan loo siiyo kumannaan qof oo qaata kaalmada NAV iyo howlgabka caafimaad(uføre) iyo howlgabka da ahaaneed(Pensjon).

Waxaa la xaqiijiyay in ilaa nus-milyan oo qof ay sifo qaldan ay ay akoonadooda ugu dhaceen kumanaan kun oo kr oo dheeraad, taasoo sababtay jahwareer ballaaran.

“Waa arrin laga xumaado, mas’uuliyadda arrintana anagaa qaadaneyna, Waxaan rajeynayaa in dadku arkaan in aan si degdeg ah u xallinay dhibka,” ayuu yiri Vidar Korsberg Dalsbø, afhayeen u hadlay DNB, oo la hadlay VG.

Qaar ka mid ah dadka saaka koontooyinkooda jugta lacageed ee culus ay kusoo dhacay, ayaa sheegay inay heleen lacag sadex ilaa toban jibaar ka badan tii ay qaadan jireen. Mid ka mid ah akhristayaasha Nettavisen, Anette, ayaa sheegtay inay heshey ku dhowaad 140,000 NOK, halka ay filaysay kaliya 23,000 NOK.

VG waxay sidoo kale sheegtay in qof kale uu helay wax ka badan 200,000 NOK, halka NRK ay soo bandhigtay sawir muujinaya in lacag dhan 33,000 NOK oo isla hal qof la siiyay seddex jeer.

NAV: Lacagahayagu dib uma dhicin
Afhayeenka warbaahinta iyo xiriirka ee NAV ayaa u sheegay Nettavisen in ay wadaan baaritaan, isla markaana ay NAV si joogto ah ula socoto arrintan, ayna xalkeeda ka baaran dagayaan xiligan.

“Khaladka ka yimid DNB wuxuu sababay in dad badan ay subaxdii Khamiista heleen lacago aad ugu badan intii ay caadi ahaan heli jireen. NAV waxay la xiriirtay DNB si degdeg ah, waxaana la xaqiijiyay in khaladkii la saxay.”

NAV waxay sidoo kale sheegtay in aysan jirin dib-u-dhac ku yimid bixinta lacagaha rasmiga ah ee NAV.

Maxaa dhacaya haddii dadka qaar ay horey u isticmaaleen lacagta?
DNB ayaa la weydiiyay waxa dhici doona haddii dadka qaar ay horay u adeegsadeen lacagta si qalad ah ugu dhacday koontadooda.

“Waxaan dib ugu soo laaban doonnaa arrintaas, haddii ay noqoto dhibaato dhab ah,” ayay tiri Julia Stelzer Norberg, oo ah afhayeenka DNB, iyadoo la hadlay Nettavisen.

DNB ayaa hada sheegay inay ugu danbeyn saxeen ciladan farsamo.

Xigasho/kilde: Omtrent 1 million personer rammet av DNB-feil

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x