fredag, juli 18, 2025

Muhiim: Isbadalo waaweyn oo xagaagan lagu sameyn doono T-banada Oslo.

Adeega tareemadda dhulka hoostiisa mara ee T-bane magaaladda Oslo ayaa bilaha xagaaga waxaa lagu saameyn doonaa dayactir xoogan oo saameyn ku yeelan doono isku socodka gaadiidka dadweynaha, gaar ahaana dadka adeegsadda t-bane-ka.

Dayactirka ayaa bilaaban doono 5-ta bisha Luulyo, waxa uuna socon doonaa ilaa laga gaaro 10-ka august, isaga oo siyaabo kala duwan u saameyn doono khadadka t-banadda ka dhex shaqeeya magaaladda Oslo. xarumaha tareemadda Majorstuen iyo Nationaltheatret stasjon ayaa si buuxda loo xirayaa muddada u dhaxaysa 5-ta July ilaa 10-ka August, waxaana la joojinayaa dhammaan tareenada mara halkaas.

Qaabkan ayuu dayactirkan u saameynayaa khadadka kala duwan:

Khadka 1: Gabi ahaanba waa la joojinayaa.

Khadka 2: Khadkan waxa uu shaqeyn doonaa inta u dhaxeysa Østerås–Borgen iyo Stortinget–Ellingsrudåsen. Waxaa jiri doona buss ka shaqeeya inta u dhexeysa Borgen iyo Majorstuen.

Khadka 3: Waxa uu shaqeyn doonaa inta u dhaxeysa Kolsås–Borgen iyo Stortinget–Mortensrud. Bas ayaa ka dhex shaqeyn doono inta u dhaxeysa Borgen iyo Majorstuen.

Khadka 4: Wuu xiran yahay inta u dhaxeysa Storo iyo Stortinget. Wuxuu shaqeyn doonaa u dhaxeysa Vestli–Storo iyo Bergkrystallen–Stortinget.

Khadka 5: Wuu xiran yahay inta u dhaxeysa Ullevål stadion iyo Stortinget. Waxaa tareenadu u kala gooshi doonaan Sognsvann–Ullevål stadion, Ullevål stadion–Stortinget iyo Stortinget–Vestli.

Ruter waxay ku boorinaysaa dhammaan rakaabka inay la socdaan isbeddelada safarka si ay u qorsheeyaan si wanaagsan.

Xigasho/kilde: Store endringer for T-banen i sommer

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x