fredag, juli 18, 2025

Dowlada: Qiimaha xarumaha xanaanadda (barnahage) oo 800 kr la dhimay.

Oslo – Xisbiyada isbaheysiga ku ah xukuumadda hada ka talisa Norway Ap, Sp iyo SV ayaa ku heshiisay in hoos loo dhigo lacagta ay waalidiintu ku bixiyaan xaruma xanaanadda caruurta laga bilaabo 1. august 2025. Waxaana qiimaha xarumaha xanaanadda caruurta laga jaray 800 kr calaa ilmo bishiiba.

Qiimaha xaruma xanaanadda ee inta badan degmooyinka Norway (maksprisen) ayaa hada ah 2000 kr calaa ilmo bishiiba, laakiin laga bilaabo 1-da August sanadkan 2025, wuxuu noqon doonaa 1200 kr.

Qiimo-dhimistan ayaa qeyb ka ah wada-xaajoodyadda dib u qaabeynta miisaaniyadda sanadkan 2025 ee sadexda xisbi ee taladda dalka wadaaga ku ah, waxaana soo jeedintan lahaa oo ku gorgortamay xisbiga SV.

Xisbiga SV ayaa doodiisa ama rabitaankiisa koowaad waxa uu ahaa in xarumaha xanaanadda ay noqdaan kuwa bilaash u ah ilmaha oo ay dowlada lacagtooda bixiso, laakiin rabitaankaasi uma soo suurtogalin. Waxaana hada lasameeyay gudi-howleed soo baara qaabkii arrintaas loo hirgalin lahaa.

Xigasho/kilde: Barnehage blir billigere: – Jo nærmere null jo bedre

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x