War kasoo baxay wasaaradda cadaaladda Norway, ayaa maanta lagu sheegay in dowladu ay adkeyneyso shuruuda luuqadeed ee lagu xiro qofka ajnabiga ah ee codsanayo sharciga degenaanshaha Norway( permanent oppholdstillatelse)..
Shardigii luuqadeed ee ahaa ku hadalka luuqadda( muntlig) ee A1, ayay dowladu hada ka dhigeysaa A2, wuxuuna xeerkan cusub dhaqangali doonaa kowda(1) bisha September ee sanadkan, isaga oo qaban doono dadka codsan doono degenaanshaha wixii xiligaas ka dambeeya.
Wasiirka caddaaladda iyo amniga gudaha, Astri Aas-Hansen (Ap), ayaa sheegay in ujeedada sharcigan cusub ay tahay in dadka ajaanibta ah ee doonaya in ay si joogto ah u degaan Norway, ay lahaadaan aqoon luuqadeed oo u sahlaysa ka qaybgalka waxbarashada, suuqa shaqada, iyo nolosha guud ee bulshada.
“Dadka doonaya deganaansho rasmi ah waa in ay si wanaagsan u fahmaan oo u hadli karaan afka Norwiijiga. Fahamka iyo ku hadalka afka waa shardi muhiim ah si loo ka qaybgalo waxbarasho, shaqo, iyo bulshada guud ahaan,” ayay tiri Aas-Hansen.
Sida laga soo xigtay heerarka Felleseuropeiske rammeverket for språk (CEFR), heerka A2 micnihiisu waa:
- Qofka wuu fahmi karaa hadal fudud oo la xiriira nolosha maalinlaha ah, sida arrimo ku saabsan qofka laftiisa, qoyskiisa, deegaanka uu ku nool yahay iyo shaqada uu qabto.
- Qofku wuu uga hadli karaa si sahlan mowduucyada nolosha gaarka ah haddii lagu hadlo si tartiib ah, cad, isla markaana qofka kale uu diyaar u yahay in uu caawiyo.
- Wuxuu is fahmi karaa xaaladaha wada sheekaysiga maalinlaha ah oo leh qaab joogto ah, sida su’aalo iyo jawaabo toos ah.
Xeerka cusub ayaa waxaa sidoo kale uu dhigayaa in dadka codsanayo degenaanshaha qaarkood laga dhaafi karo shardigan luuqadeed ee A2, hadii ay jiraan sababo caafimaad, shaqsiyeed ama sababo kale oo qofku uusan ka gudbi karin. Waxaa kamid ah:
- Dad waayeel ah
- Dad aan waxbarasho hore lahayn
- Dad aan wax akhriyin ama qorayn karin
Sharciga cusub wuxuu quseynayaa dhammaan codsiyada deganaansho rasmi ah ee la gudbiyo kadib 1-da Sebtember 2025. Dadka doonaya in ay codsadaan waa in ay si fiican ula socdaan isbeddelladan cusub.
Xigasho/kilde: Strengere norskkrav for rett til permanent oppholdstillatelse