TEL AVIV – Bam gacmeed ayaa lagu tuuray hoyga safiirka Norway ee Israel, Per Egil Selvaag caawa fiidk, sida uu ku waramay wariyaha Israa’iiliyaanka ah ee Or Ravid, oo ka tirsan telefishinka Kanal 12. Wuxuu sheegay in weerarka uu sababay khasaare hantiyeed balse aysan jirin cid ku dhaawacantay.
Warbaahinta NTB ayaa markii ugu horreysay tabisay dhacdadan. Ravid wuxuu sheegay in xogta uu ka helay ilo-wareedyo deegaanka ah iyo booliska deegaanka.
Israa’iil oo si kulul u cambaareysay weerarka:
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israel, Gideon Sa’ar, ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday safiirka Norway.
“Waxaan la hadlay safiirka Norway, Per Egil Selvaag, kadib markii bam gacmeed lagu tuuray beerta gurigiisa. Tani waa dambi culus oo halis ah, waana arrin aad si adag u cambaareynayo,” ayuu waasiirka arrimaha dibadda Israelm oo qoraal ku qoray baraha bulshada.
Dowladda Norway: Badbaadada shaqaalaha waa mudnaanta koowaad:
Tuva Bogsnes, madaxa isgaarsiinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway (UD), ayaa u xaqiijisay NRK in qarax uu ka dhacay meel u dhow hoyga safiirka ee ku yaalla magaalada Herzliya, agagaarka Tel Aviv.
“Waxaa nasiib wanaag ah in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha safaaradda. Waxaan si degdeg ah ula xiriirnay safaaradda, waxaana goobta gaaray booliiska Israa’iil,” ayay tiri Bogsnes.
“Badbaadada iyo ammaanka shaqaalaheena waa mudnaanta koowaad ee UD,” ayay sii raacisay.
Safaaradda Norway oo xirneyd
Safaaradda Norway ee Israel ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray Isniintii, iyada oo sababtu tahay xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee gobolka, gaar ahaan dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Iran.
Safiirka Per Egil Selvaag iyo shan shaqaale kale ayaa ka tirsan safaaradda.
Dhacdadan ayaa imaaneysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo xiisado siyaasadeed iyo amni oo isa soo taraya, taasoo sidoo kale saameyneysa howlaha diblomaasiyadeed ee beesha caalamka..
Xigasho/kilde: NRK