mandag, juni 16, 2025

Baarlamaanka oo ansixiyay sharci mamnuucaya sigaar cabista meelaha carruurta joogaan.

OSLO – Baarlamaanka Norway (Stortinget) ayaa Arbacadii lasoo dhaafay ansixiyay sharci cusub oo mamnuucaya in sigaar lagu cabo meelaha ay carruurtu joogaan. Sharcigan cusub ayaa hadda ka dhigaya mid sharci-darro ah in sigaar lagu cabo gudaha baabuur ay carruuri saaran tahay, meelaha lagu ciyaaro, iyo garoomada cayaaraha.

Sharcian cusub ayaa ujeedkiisa lagu tilmaamay in carruurta la ilaaliyo qaadashada qiiqa sigaarka , kaas oo la cadeeyay inuu halis caafimaadka ku yahay sambabada iyo neef-mareenka carruurta.

“Carruurta yar yar sambabadoodu weli wey korayaan, qiiqu aad buu u saamaynayaa. Tani waa guul weyn oo caafimaad u ah carruurta Norway,” ayay tiri Guro Birkeland, xoghayaha guud ee Ururka dadka qaba xanuunka xeefta (Astma-da) iyo Xasaasiyadda ee Norway (NAAF).

Sida ay sheegtay hay’adda NAAF, qiiqa sigaar cabista ee carruurtu ku neefsadaan wuxuu kordhiyaa khatarta cudurrada sida neefta (asthma), infekshinnada dhegaha, cudurrada sambabada iyo – xaaladaha ugu daran – dhimasho kadis ah (sudden infant death).

Xog laga helay Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha (FHI) ayaa muujinaysa in sannadkii 2017, ku dhowaad 350,000 qof oo reer Norway ah ay maalin kasta la kulmaan qiiqa sigaarka, kuwaas oo 120,000 ka mid ah ay carruur ahaayeen.

Wasiirka caafimaadka, Jan Christian Vestre (Ap), ayaa sheegay in sharcigan yahay tallaabo muhiim ah oo u gogol xaareysa himilada dowladda ee ah in jiilka wixii ka dambeeyay 2010 uu noqdo jiil sigaar la’aan ah.

“Carruurtu waa in ay helaan hawo nadiif ah oo ay ku ciyaaraan, ku koraan, kuna noolaadaan – iyada oo aan qiiq sigaar aysan qaadan oo neefsan,” ayuu yiri wasiirku.

Dalab: sigaarka ha laga mamnuuco meelaha furan

Ururka NAAF ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaalkooda, iyaga oo hadda dalbanaya in la mamnuuco sigaar cabista goobaha furan ee la isugu imaado, sida jardiinooyinka iyo xeebaha.

Waddamo badan oo Yurub ah – sida Swiidhan, Finland, Faransiiska iyo Spain – ayaa horay u hirgeliyay xeerar noocan ah.

“Norway waa in ay raacdaa waddooyinka ay dalalkaas qaadeen si loo ilaaliyo carruurta iyo caafimaadka dadweynaha,” ayay tiri Birkeland.

Sharciyadan cusub ayaa dhaqan galaya dhowaantan, iyadoo la filayo in ay wax ka beddeli doonaan hab-dhaqanka dadweynaha ee ku saabsan sigaar cabista meelaha dadku isugu yimaadaan.

Xigasho/kilde: Nå blir det forbudt å røyke på lekeplasser: – En viktig seier

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x