fredag, juli 18, 2025

Maamule mushaar lunsaday oo xabsi lagu xukumay.

OSLO – Nin ganacsade ah oo ku jira da’da 40-meeyada ayaa lagu xukumay sagaal bilood oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah in uu si ula kac ah u bixin waayay mushaarka, saacadaha dheeraadka( ekstra timer) ah iyo lacagaha fasaxa(feriepenger) ee ay xaqa u lahaayeen 14 shaqaale oo ka tirsanaa shirkaddiisa.

Dacwad-oogaha ayaa ku andacoonaya in xukunkaasi uu yahay mid aad u hooseeya, waxaana la xaqiijiyay in racfaan laga qaatay si lagu helo ciqaab ka culus. Ninkii la xukumay ayaa isna racfaan ka qaatay xukunka.

In ka badan 460,000 kr oo lunsasho ah

Lacagta guud ee ninka lagu eedeeyay inuu ka qaatay shaqaalaha ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay 460,000 NOK, taasoo sida la sheegay uu isagu iskiis u qaatay halkii uu shaqaalaha siin lahaa.

Baaritaanka kiiskan ayaa bilaabmay sanadkii 2022, kadib markii shaqaale dhowr ah ay u dacwoodeen booliiska. Qaar badan oo ka mid ah dhibbanayaasha waxay ahaayeen shaqaale ajaanib ah oo muddo gaaban ku noolaa Norway, taasoo maxkamaddu sheegtay inay arrinta ka dhigeyso mid aad u xasaasi ah oo culus.

Dacwadda iyo xukunka dheeraadka ah

Intii ay socotay dacwadda, qareenka ninka la eedeeyay ayaa sheegay in mushaarka uu bixiyay, balse uu ka dib dhacay xiligii ay shaqaalaha sugayeen mushaarkooda. Wuxuuna maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo ciqaab bulsho (samfunnsstraff) halkii laga xukumi lahaa xabsi. Taas oo ay maxkamaddu sida muuqato diiday.

Si kastaba ha ahaatee, ninka waxaa sidoo kale lagu xukumay inuu shan sano uusan ganacsi samayn karin, iyo in uu bixiyo magdhow lacageed oo loo kala siiyay 11 ka mid ah shaqaalihii uu ka lunsaday mushaarka.

Kiiskan ayaa muujinaya dhibaatooyinka ay la kulmaan shaqaalaha ajnabiga ah ee ku cusub suuqa shaqada Norway, iyo sida dambiyada noocan ah u saameeyaan kalsoonida dadka ku aaddan shaqooyinka gaarka loo leeyahay.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x