tirsdag, februar 18, 2025

Sweden: 5 qof oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday iskuul kuyaal Örebro.

Sida ay xaqiijiyeen booliska dalka Sweden, ilaa 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday iskuul kuyaal magaaladda Örebro ee dalka Sweden. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah nin lagu tuhunsanyahay inuu weerarka ka danbeeyay.

Booliska ayaan weli warbixin badan ka bixin dhacdadan, waxeyna sheegeen inay wali ku gudo-jiraan baaritaanadda hordhaca ee dhacdadan. Waxeyna boolisku dadweynaha ka codsadeen inay ka ogaadaan aaga uu falkaas ka dhacay, inta ay boolisku aagaas xaqiijinayaan.

Markii hore warbaahinta ayaa soo warisay inay jiraan dad ku dhintay dhacdadan weerarka ah, laakiin booliska ayaa xaqiijiyay in ilaa hada aysan jirin dhimasho ka dhalatay falkan lagu weeraray iskuulka.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x