mandag, februar 17, 2025

7300 qof oo sanadkii hore laga qaaday leysinka baabuurka: Sababtan ayaa ugu badan.

Sanadkii 2024 waxaa gudaha Norway leysinka baabuur wadista laga qaaday 7335 qof, kuwaas oo lagu eedeeyay falal danbiyeedyo kala duwan oo la xiriira shuruucda wado-marista. Waxaana sidaas xaqiijiyay booliska wadooyinka ee UP. Tiradaas ayaa wax xoogaa ka badan tirada dadkii leysinka laga qaaday sanadkii ka horeeyay ee 2023 oo aheyd 6687 qof.

Wax ka badan 70% dadka leysinka laga qaaday ama 5183 qof, ayaa leysinkooda ku lumiyay sababo la xiriira inay jabiyeen shuruucda wado-marista, gaar ahaan ilaalinta xuduudka xawaaraha baabuur wadista. Halka 1617 qof oo kamid ah dadka leysinka laga qaaday, lagu eedeeyay arrimo la xiriiro miyir-doorsoon(mukhaadaraad adeegsi), xiliga ay baabuurka wadayeen.

Ma aragno wax isbeddel weyn ah marka la barbardhigo sannadihii hore. Waan ku qanacsannahay in aan ogaanay in sababaha ugu weyn ee sababa leysin ka qaadistu ay tahay daroogada iyo xawaaraha sare, kuwaas oo ah labo sababood oo keena shilalka ay dadku ku dhintaan ama si xun ugu dhaawacmaan waddooyinka Norway. Kuwani waa laba ka mid ah waxyaabaha aan mudnaanta siino marka aan baareyno gaadiidka wadooyinka mara, waxaana sii weheliya feejignaan la’aanta, si aan uga hortagno shilalka halista ah, ayuu yiri taliyaha UP, Knut Smedsrud, oo la hadlay ABC Nyheter.

Xigasho/kilde: Over 7000 førerkortbeslag i 2024

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x