fredag, oktober 4, 2024

Dadweynaha Norway oo looga digay duufaano iyo roob ma hiigaan ah.

Dowlada dalkan Norway ayaa dadweynaha kunool guud ahaan Norway, gaar ahaan goboladda xiga barriga uga digeyso dabeylo xoogaan iyo roobab ma hiigaan ah oo caawa ilaa habeen danbe laga filan karo inay ka da ´aan Norway.

Dabeylahan ayaa xalay soo gaaray koonfurta Sweden, waxaana maanta meelo kamid ah Norway laga dareemayaa saameyntooda xoogan. Isku socodka gaadiidka dadweynaha ayaa xayiran meelaha qaarkood, halka degmooyinka qaarkood laga soo sheegayo jidad xiran, kadib markii ay kusoo go een geedo, kuna soo daateen dhexgaan.

Meelaha laga filan karo dabeylahan ayaa waxaa kamid goboladda Oslo ku xeeraan, iyo gobolka Trøndelag sida ay sheegeen hey addaha saadaashada hawadda iyo cimiladda ee Norway. Waxaana dadka loogu baaqay inay yareeyeen socodka iyo safarka laga maarmi karo, ayna isku dayaan inay inta badan ku sugnaadaan guryahooda.

Booliska Norway ayaa sidoo kale sheegay inay ku jiraan heegan xoogan oo ku saabsan sidii xaaladdan loola tacaali lahaa, loogana howlgali lahaa.

Wixii kusoo kordha arrintan, dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x