Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka bisha Desember, waaxda canshuuraha ayaa dhamaan dadka canshuur bixiyeyaasha ah u dirtay kaarka canshuurta sanadka 2023, iyo qiyaasta canshuureed ee waaxdu ay qiyaaseyso inaad bixin doonto sanadka soo socdo ee 2023.
Waaxda canshuuraha ee skatte-etaten ayaa dadka ka codsaneyso inay galaan bogga waaxda, ayna badalaan hadii aysan waaxda ku waafaqsaneyn qiyaasta ay kuu sameyso, taas oo ay ku jaangoyeysay xajmiga canshuurta aad bixin doonto 2023.
Marta Johanne Gjengedal oo katirsan waaxda canshuuraha ayaa dadka ugu baaqayo in ay galaan bogooda gaarka, kadibna ay iska hubiyaan in qiyaasta ay Skatte-etaten sameysay ay sax tahay iyo inkale.