tirsdag, mars 19, 2024

Casuumaad-Kulan dood-deed bulsho: Maxaa sabab u ah falal-danbiyeedyada dhalinyarada Soomaaliyeed ee Norway?

Sanadihii ugu danbeeyay, gaar ahaan dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay sanadkan waxaa magaaladda Oslo kusoo badanayo falalka danbiyada ah ee ay isku geystaan ama loo geysto da’ yarta soomaaliyeed ee Norway kunool. Waxaana arrintan oo ay ugu danbeeyeen sadex dhacdo oo waaweyn oo Oslo ka dhacay hal bil gudaheed, ay wel-wel badan ku heysaa bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta, hey’ addaha amniga, kuwa waxbarashada iyo caafimaadka, iyo maamulka magaaladda iyo kan dowladdaba.


Golaha Islaamka Norway( IRN), Ururka Face 2 Face brobygger Senter iyo warbaahinta NorSom TV waxey si wadajir ah dhamaan waalidiinta, indheer-garadka, aqoonyahanka iyo dhalinyaradda soomaaliyeed ee Oslo kunool ugu casuumeyaan kulan-doodeed bulsho oo looga hadlayo arrintan kor ku xusan, xoogana lagu saarayo xal u helista dhibaataddan iyo sidii looga hortagi lahaa inta aysan faraha ka bixin.


Kulan doodeedkan bulsho ayaa maalinta axadda ah ee taariikhdu tahay 11.12.2022, saacadda 18.00-20:00. Waxa ayna ka dhici doontaa masxafka Interkulturelt Museum ee kuyaal bartamaha Grønland( Cinwaanka goobta: Tøyenbekken 5, 0188 Oslo).


Qeybta koowaad ee kulanka ayaa ah seminaar kooban oo ay soo diyaariyeen Golaha Islaamka Norway(IRN). ayaa ku saabsan la socoshada waalidka ee xaalada koritaan iyo isbadalka nolol-dhalinyaro ee ubadkooda. Iyo sidii waalidku ay u dareemi lahaayeen marka ay ilmahooda lugta la galaan arrimo danbiyo oo naftooda halis u keeni kara. Halka qeybta labaad ee barnaamijku ay tahay kulan doodeed ku saabsan isla mawduuca
Mawduuca kulanku waa: Maxaa sabab u ah falal-danbiyeedyada dhalinyarada Soomaaliyeed ee Norway? Yaa masuuliyada leh, sidee ayaana si wadajir ah looga hortagi karaa? Waa maxey doorka bulshada soomaalidu?
Kulan doodeedka oo ah mid bulshada u furan, su aalana la is weydiin karo, ayaa waxaa noogu casuuman:
1) Maryan Cabdi Xuseen: Xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, lagana soo doorto Oslo.
2)Cabdishakuur Xaaji Cali Budul: Ololeeye bulsho iyo waalid soomaaliyeed.
3) Ifraax Yuusuf Ciyow: Kalkaaliso Caafimaad, Gudoomiyaha ururka Face2face brobyggersenter.
4)Shuceyb Maxamed Yaasiin: Siyaasi iyo aqoonyahan, ahna maamulaha xarunta dhalinyarada ee The Raven ee xaafadda Grorud Oslo.
5) Cabdiraxmaan Macalin Cumar: Gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee Unge minoriteter ee magaaladda Stavanger.
6)Shahid Rasool: Xubin ka ahaa mid kamid ah kooxigii gaangiga ee ugu halista badnaa ee Oslo soo maray, kana mid ahaa danbiileydii laga cabsan jiray. Sanado badan oo uu xabsi soo galay kadib, hada Shahid waxa uu Shaahid ku shaqeeyaa khabiir iyo talo-bixiye talooyin iyo waanooyin ku saabsan khibradiisa nololeed siiya dhalinyarada. Wuxuuna kala taliyaa ka hor tagista danbiyadda iyo sidii ay noloshooda meel uga soo saari lahaayeen.

Praktical Information:
Taariikhda: 11.12.2022
Saacadda: 16:00-20:00.
Goobta: Interkulturelt Museum- Grønland.
Adresska: Tøyenbekken 5, 0188 Oslo

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x