torsdag, mars 28, 2024

Xukuumadda Norway oo baarlamaanka weydiisatay in la ansixiyo codsiga Finland iyo Sweden.

Xukuumada dalka Norway ayaa Baarlamaanka waydiisatay inay ansixiyaan ogolaanshaha codsigii dalalka Finland iyo Sweden soo gudbisteen si ay uga mid noqdaan urur waynaha Nato.

Wasiirada arimaha dibada Norway Anniken Huitfeldt ee katirsan xisbiga (AP), ayaa sheegtay inay dhankooda soo dhawaynayaan wadamada Sweden iyo Finland diyaarna uyihin inay aqbalaan codsigooda.

Waxay hadal keeda kudartay in ururka Nato yahay xulufo is gaashaan buuraysi difaac, kusoo biiritaanka wadamadaasina ay xoojinayan nabad gelyada mandaqada iyo is gaashaan buraysiga difaac ee kadhaxeeya.

18 kii bishan May ayay labada wadan ee Finland iyo Sweden siwada jira u codsadeen ku kubiiritaanka Nato kadib mudo badan oo ay dhex dhexaad ahaayeeen.

Hadaba si wadamadaasi ay uga mid noqdaaan ururka Nato waa inay helaan aqblaada 30ka wadan ee hada ku midaysan ama xubnaha ka ah Nato.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii dalka Turkigu is hortaagay codsiga wadamadan shuruudo adagna ku xiray inay fuliyaan dalalkaasi hadii ay rabaan inuu aqbalo dhankiisa.

Baarlamaanka dalka Norway ayaa la filayaa inuu dhegaysto soo jeedinta dawlada ee arintan kusaabsan si uu go’aan uga gaadho codsiga wadamdaas ee kusaabsa kamid noqoshada Nato.

xigasho/Kilde:Regjeringen ber Stortinget godkjenne Finland og Sverige som Nato-medlemmer

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x