torsdag, april 25, 2024

Wiilal lagu xukumay inay baahiyeeen muuqaal muujinaya faraxumayn.

Labo wiil oo da’doodu ka yar tahay da’da qaan-gaarka ayaa maxkamadda degmada Vestfold waxay ku xukuntay 120 maalmood oo xarig ah iyo labo sano oo ilaalo iyo daba-gal ah, xabsiga kabacdi.

Dhallinyaradan ayaa baahiyey muuqaalo muujinaya faroxumayn loo geystay wiil yar. Kiiskan ayaa lagu sheegay in saddexda wiil ay guri ugu tageen nin faraxumeyn u geysnayey wiil yar.. Labada wiil ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu filim ka duubay faro xumaynta, kadibna uu u diray kan kale, kaas oo la sheegay in uu dad kale sii tusay. Waxaa la sheegayaa in boolisku ay dhowr warbixin ka heleen waalidiin arkay ama maqlay muuqaalkan oo lagu faafiyay Snapchat.

Maxkamaddu ayaa waxe cadeysay in labada wiil ay baahiyeen muuqaalka ugu yaraan hal mar iyaga oo isticmaalaya Snapchat, waxayna sheegtey in taas ay sabatay in si ballaaran loo faafiyey.

Labada wiil ayaa qirtay in ay qeybka ka ahaayeen dambiga markii ay maxkamada ka soo hormuuqdeen. Waxaa sido kale lagu xukumay wiilashaaan inay bixiyaan magdhow la siinayo wiilka xadgudubka loo geystay.

Xigasho/kilde: Gutter dømt for å ha delt video som viste seksuelt overgrep.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x