fredag, mars 29, 2024

TV 2: Nin danbiyo dagaal ka geystay dalkii uu ka yimid oo Oslo lagu xiray.

Nin 60 jir ah oo uu dhashey dalka Croatia ayaa lagu xiray Oslo, kadib marki Croatia dalbatey in loo soo gacan geliyo. Ninkaan ayaa lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal oo dalka Croatia ka dhacay horaantii sagaashamaadkii.

Ninkan oo ku dhashay dalkii dalalka badan u qeybsamay ee jugoslavia ayaa heysta dhalashada Norway, wuxuuna dalka Norway ku noolaa mudo 30 sano ku dhow, sida uu qoray TV2.

Waxaa la qabtey Talaadadii, waxaana la hor geeyey Maxkamadda Oslo maalinkii khamiista. Maxkamadda ayaa go’ aamisay in shuruudihii gacan gelinta ninkaan ay Croatia buuxisey, maxkamadda ayaa sido kale xukuntay in la sii daayo inta ay kiiskiisu socdo, Waa sida uu baahiyey TV 2.

Ninkan ayaa wxabsiga kusii jiri doona ilaa dhamaadka todobaadka iyadoo booliisku ay racfaan ka qaateen go’aanka maxkamada.
“Waan ka doodeynaa gacan galinta, waxaan maxkamadda ka codsaney waqti aan baaritaano kala duwan oo gaar ah ku samayno”, ayuu yidhi qareenka ninkaan , Øyvind Bratlien.

Qareenka ninkan ayaa sheegay inuu u cabsi qabo nolosha ninkan, hadii loo gacangaliyo Croatia. Wuxuuna raaciyay inay adag tahay in la cadeeyo danbi dhacay sanado aad u badan kahor, uuna ka cabsi qabo inuusan heli maxkamad cadaalad ah.

Xigasho/kilde: Anklages for krigsforbrytelser: – Han frykter for sitt eget liv.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x