onsdag, april 24, 2024

Turkiga oo shardi ahaan u dalbaday in loo soo gacan-geliyo 33 qof.

Dalka Turkiga oo ah mid kamid ah wadamada ugu ciidanka xoogan Nato ayaa sheegay in hadii Sweden iyo Finland ay rabaan inay kusoo biiraan Nato, xagiisana uu ogolaansho siiyo ay soo wareejiyaan 33 xubnood oo uu ku sheegay argagixiso oo labadaas dal ku sugan kana soo jeeda dalkiisa.

Kulan galabta dhex maray lataliyaha madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo dhigiisa dalalka Sweden iyo Finland ayay kaga wada  hadleen codsiga ka mid noqoshada ururka Nato ee labadaas wadan dhawaan soo gudbisteen.

Lataliyaha ayaa sidoo kalena layeeshay wada hadalo wadamo kale oo katirsan ururka Nato, isaga oo u sheegay in xubinimada dalalkaas ay ku xirantahay shuruudaha  Turkiga oo la oofiyo ama la fuliyo. Waxaa kaloo jira ilaa 10 sharuudood oo kale oo uu doonayo Turkigu in labadaas wadan ay fuliyaan si uu codsigooda u aqbalo.

Maanta xili hore ayay warbaahinta Financial Times daabacday in Turkigu joojiyey in laga shaqeeyo  codsiyadii degdega ahaa ee Sweden iyo Finland ay soo gudbisteen si ay uga mid noqdaan urur waynaha Nato.

Mar uu la hadlayey baarlamaanka wadankiisa madaxwaynaha Turkigu Erdogan sida laga soo xigtay war baahinta Reuters ayuu sheegay in ururka Nato yahay urur amni, ayna tahay inay soo celiyaan argagixisada la joogta  dalalkaasi, si ay  uga mid noqdaan ururka Nato.

Ilo soo baxaya ayaa iyana waxay sheegayaan inay jirto rajo laga qabo in xal laga gaaro is fahmi waaga soo kala dhex galay wadamada Turkiga, Sweden iyo Finland ee kusaabsan xubinimada Nato.

Arintan ayaa ku noqonaysa caqabad wayn oo ka hor istaagi karta ka mid noqoshada Nato dalalka Sweden iyo finland  hadii aan xal deg deg ah laga gaarin, Turkigana lagu qancin inuu ogolaado. waxaana loogu baaqay wadamada ka tirsan ururka Nato inay arinkan  u qaataan mid  culays kiisa leh, layskana xilsaaro sidii loo xalin lahaa.

Labadan wadan ayaa cabsi xaga amnigooda ah darteeed raba inay si deg deg ah ugu biiraan oo xubno ka noqdaan urur waynaha Nato  oo ay ku midaysan yihiin dalal gaadhaya 30 wadan, iyadoo ujeedka ugu wayn ee ururkaas  loo aas aasay uu yahay in la difaaco hadii wadan kamid ah wadamada ku bohoobay lasoo weeraro ama xaalad amni oo dibada kaga timaado soo wajahdo.

Sida lawada ogyahay waxaa dagaal khasaare badan geystay uu kasocdaa dalka Yukreyn oo uu Ruushku weerar kusoo qaaday, waxaana cabsi xoogan soo wajahday dalal badan oo ku yaala qaarada Yurub. Dalka Yukreyn ayaan isagu ururka Nato ka mid ahayn taas oo sababtay in si toos ah uu gacan uga heli waayo wadamada kale ee Nato ku bohoobay walaw ay siyaabo kale utaageereen.

Xigasho/kilde: Tyrkias Nato-vilkår: Krever 33 «terrorister» utlevert fra Sverige og Finland

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x