lørdag, april 20, 2024

Telenor: Ha furin hadaad fariintan hesho.

Shirkadda telefoonadda ee Telenor ayaa sheegtay in mudadii ugu danbeysay ay aad usoo kordheen kooxaha burcadda ah ee dadka telefoonadda ugu dira fariimaha(SMS) wata linkiyada ay qofka ka codsanayaan inuu riixo(furo).

Bishii April oo kali ah, Telenor ayaa sheegtay inay ka hortageen 4,4 milyan oo fariimo ah oo kooxaha burcadda ah ay rabeen inay u diraan dadka adeegsadda telefoonadda shirkada Telenor.

Kooxahan ayaa dadka u dira fariin(SMS) ay ku qoranyihiin qoraalo sheegaya ama ka dagiya wax muhiim ah. Kadibna waxa ay qofka ka codsanayaan inuu linkiga la socdo qoraalka riixo, si uu u galo website uu qofku kasoo degsan karo app been abuur ah oo loo ekeysiiyay kan shirkadda Telenoor. Hadii uu qofku mobilkiisa kusoo dajiyo app-ka, kooxaha burcadda ah ayaa gacanta ku dhigi kara waxyaabaha ku keydsan mobilkaga. Waxeyna u adeegsan karaan rakaato ahaan, iyaga oo kaa dalbanayo lacag furasho ah, ama waxey xadi karaan macluumaadka qofka ee ku keydsan mobilka.

Telenor ayaa dadka uga digeysa inay furaan linkiyada loogu soo diro mobilka.

Xigasho/kilde: Telenor advarer mot ny svindelbølge på mobilen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x