fredag, april 19, 2024

Safiirka Turkiga ayaa Norway ku tilmaamay meel gabaad u ah argagixisada.

Safiirka dalka turkiga u qaabilsan Norway ayaa dalalka Norway, Sweden iyo finland ku tilmaamay inay gabaad u yihiin ururo dalkiisa uga diiwaangashan argagaxiso halis ku ah amniga iyo shacabka dalka Turkia.

“Waxaa xaqiiqo ah in Sweden, Finland iyo Norway ay PKK ka heleen gabaad ammaan ah. Halkan waxa ayey ka hawlgeli karaan, lacag ka samayn karaan oo ay ku takri fali karaan xoriyatul qawlka” ayuu yidhi Ambassador Fazh Corman oo u warramayay VG.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaley sheegay in aysan taageeri doonin codsiyada dalalka Sweden iyo Finland ee NATO ka mid noqoshadeeda. Sababtoo ah, sida uu sheegay Erdogan, waddamadaan ayaa ah gabaad furanoo ururada argagixisada Kurdiyiinta ay ka howlgalaan, isaga oo tusaale ahaan usoo qaatay ururka hubeysan ee PKK.

Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka sida Turkiga oo kale PKK u aqoonsaday koox argagixiso. Ambasador Corman ayaa sheegay in turkigu uu aad u dhaliilsan yahay in Norway aysan sameynin sidaas oo kale.
“Norway waxa ay la mid tahay ururada argagixisada, laakiin Sweden ayaa sido kale aad ugu furfuran oo taageerta PKK” ayuu yidhi Cormann.

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Ann Linde ayaa sheegtay in fikrad qaldan ay tahay in Sweden aysan u aqoonsan PKK koox argagixiso. Dalku waa xubin ka mid ah EU-da, taas oo amisan in PKK ay tahay koox argagixiso.

Xigasho/kilde: Tyrkias ambassadør kaller Norge en trygg havn for terrorister.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x