torsdag, mars 28, 2024

Ruushka oo korontada ka jaraya dalka Finland.

Shirkada Ruushka laga leeyahay ee Inter RAO ayaa jimcadii maanta ku dhawaaqday inay korontada kajarayso dalka Findland oo ay horey usiin jirtay koronto, sida ay sheegtay warbaahinta dalka ruushka ee Rossiskaya Gazeta. Sidoo kale waxaa arrintaas dhankooda xaqiijiyay Fingrid oo ah shirkad laga leeyahay dalka Finland.

Shirkdan ruushka laga leeyahay ayaa bixin jirtay boqolkiiba toban (10%) korontada dalkaas laga isticmaalo. Taas oo hadii ay hirgasho muujinasa inay dhaawac wayn ugeysan doonto isticmaalka korontada ee dalkaas.

Yaraanshaha ka yimaada korontada dalka Finland uu kasoo dhoofsan jiray dalka ruushka ayaa waxay kor uqaadaysaa in koronto badan uu dalka Sweden ka helo iyo in korontada gudaha dalka Findland wax soosaarkeeda kor looqaado sida madaxa shirkada Fingrid Reima Päivinen uu shaaciyey.

Dalka Findland ayaa hore u qorshaynayey inay yareeyaan korontada ay kasoo dhoofsan jireen dalka Rushka, iyadoo dawladu dhaqaale gaadhaya 850 milyan oo yuuro uqoondaysay inay ku maal geliso yaraynta korontada laga helo dhanka Ruushka.

Talaabadda ay qaaday Ruushka, ayaa kusoo aadeyso xili Finland ay u dhowtahay inay codsato kamid noqoshada ururka NATO.

Xigasho/kilde: Russland kutter strømleveranser til Finland.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x