lørdag, april 20, 2024

R. W: Waan difaaceynaa Sweden iyo Finlad.

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Jonas Garh Støre ayaa sheegay in Norway wax walba la garab istaageyso Sweden iyo Finland, hadii lagu soo qaado weerarka, kahor inta aysan xubno buuxo oo toos ah ka noqon ururka Nato.

Hadalka reysulwasaaraha ayaa soo baxay daqiiqado kadib markii ay dowlada Sweden ku dhawaaqday inay codsaneyso kamid noqoshada ururka Gaashaan-buurta Nato. Dowlada Finland ayaa iyadana dhawaan la filayaa inay gudbiso codsiga la xiriira kamid noqoshada ururka Nato.

Reysulwasaaraha Norway oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in dalkiisu uu garab iyo gaashaanba siin doonaa Sweden iyo Finland, inta laga shaqeynayo codsigooda.

Waxaa xili taariikhi u ah wadashaqeynta dalalka Nordica. Garabka aan muujinayeyno labada dal, waxaa fariin cad oo aan direno. Waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodno, si aan u xaqiijino in howsha ka shaqeynta codsiga labadda dal ay u noqoto mid dhaqso ah, si labadda dal loogu ogolaado kamid noqoshada Nato.

Jonas Gahr ayaa sheegay in hadii labadaas dal ay kamid noqdaan Nato, ay xoojineyso in garabsiga difaac ee dalalka Nordica.

Reysulwasaaraha Norway ayaa dhanka kale in dalalka kale ee Nato ay ka dhax sameyn doonaan abaabul, si Sweden iyo Finland dhaqso loogu qaabilo kamid noqoshada Nato.

Xigasho/kilde: Støre: Norge lover å forsvare Sverige og Finland.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x