torsdag, mars 28, 2024

NAV: Shaqaale yaraan ayaa Norway ka jirto.

Sida lagu sheegay tirokoob kasoo baxay xafiiska shaqada Norway ee NAV, tirada boosaska shaqo ee banaan ee loo raadinayo shaqaale buuxiyo, ayaa gaartay heerkii ugu sareysay. Bishii lasoo dhaafay oo kali ah ee April, waxaa la soo bandhigay 50.000 boos shaqo oo banaan, tiradaas oo 9% ka badan tii bishii April ee sanadkii hore.

NAV ayaa sheegtay in shirkaduhu ay xiligan la rafaadsanyihiin buuxinta boosaska shaqo ee banaan, iyo helista shaqaale leh xirfadda iyo aqoonta looga baahanyahay boosaska shaqo ee banaan.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in hadii la isbarbar dhigo boosaska shaqo ee banaan iyo dadka shaqo raadiska ah, ay halkii boos ee shaqo ee banaan ay kusoo aadayaan labo qof oo shaqo raadis ah. Taas oo tilmaameyso in Norway ay xiligan ka jirto baahi shaqaale oo aad uga badan intii horey loo yaqaanay, xili uu dhaqaalaha Norway dib u kabasho xoogan iyo kobac xoogan uu ku socdo, kadib labo sano oo lagu jiray feyruska corona.

Arrin kale oo muhiim ah oo ku xusan qoraalka NAV ayaa ah in isku dheelitirnaan ay ka jirto baahida shirkadaha ee shaqaalaha ay rabaan, iyo aqoonta iyo xirfadda ay leeyihiin dadka shaqo raadiska ah.

Inta badan dadka shaqo la’ aanta ayaa la shjeegay inay yihiin dad aan laheyn aqoon ama khibrad shaqo oo dheer. Ama dad qoxooti ama soo galooti ah, sidoo kale dadka mudo aad u dheer ka maqnaa suuqa shaqada, sida lagu sheegay tirokoobka NAV.

Xigasho/kilde: Rekordmange ledige jobber – kun to søkere per stilling.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x