torsdag, mars 28, 2024

NAV oo xeer jabin darteed 5 milyan lagu ganaaxay.

Hey’ addaha ilaalinta xogaha internetka( Datatilsynet) ayaa sheegtay in shan(5) milyan oo kr lagu ganaaxi doono hey’ adda shaqada iyo caawinta dadweynaha ee NAV. Kadib markii lagu helay eedeyn ah inay jabisay sharciga ilaalinta xogaha gaarka ah ee dadka, kadib markii uu nidaamka NAV usoo bandhigay CV-yada dadka diiwaangooda shaqo ka diiwaangaliyay NAV.

Bogga shaqoonayaasha ee NAV ayaa ilaa sanadkii 2001( mudo 20 sano ah) u sahlayay in si furan ay shirkaddaha bixiya shaqooyinka ku helaan CV-ga dadka shaqo-doonka ah ee CV ka diiwaangaliyay bogga NAV. Arrintaas oo markii danbe la ogaaday inay aheyd mid aan sax aheyn xaga sharciga.

NAV ayaa sanadkii 2021 ogaatay qaladkiisa, waxeyna xirtay fursadii shirkaddaha u sahleysay inay helaan xogta shaqo-bixiyaha. Waxeyna intaas kadib NAV kiiskii ku wargalisay hey’ adda ilaalinta internetka ee data-tilsynet.

NAV ayaa sidoo kale la xiriirtay dadkii ay arrintaas khuseysay ama saameynta ku yeelan karto.

Hey’ adda data-tilsynet ayaa intaas kadib ganaax gaaraya 5 milyan ku xukuntay NAV, kadib markii lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen, kana daaheen sixitaanka qaladkaas.

Xigasho/kilde: Datatilsynet gir Nav 5 mill. kroner i gebyr for CV-deling.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x