fredag, april 19, 2024

Maxkamad: In Ragga bidaarta wax looga sheego, waa xadgudub.

Maxkamad ku taalla Britain ayaa xukuntay inay xadgudub tahay in ragga lagu caayo bidaarta, kadib markii uu dacwad u gudbiyay nin u shaqeyn jiray shirkad ganacsi.

Ninka oo lagu magacaabo Tony Finn, ahna 64 jir ayaa muddo 24 sano ah farsamo yaqaan korontada u ahaa shirkadda British Bung ee xarunteedu tahay Galbeedka Yorkshire, ka hor inta aan shaqada laga eryin bishii May 2021.

Waxa uu ku dacwooday in Jamie King oo kamid ah madaxda shaqaalaha shirkadda uu si joogta ah ugu caayi jiray bidaartiisa, waxaana uu xusay muran dhexmaray sanadkii 2019.

«Waxa aan deday qalab loo diyaariyay dayactir. Waxyar kadib, waxaan arkay qalabkii oo la feyday, waxaana ogaaday in Jamie King uu sidaa sameeyay. Markii aan weydiiyay, waxa uu iigu jawaabay aflagaado iyo inuu igu caayo bidaarteyda, iiguna hanjabo inuu i feeri doono,» ayuu maxkamadda ka hor sheegay Finn.

Waxa uu tilmaamay maadaama King uu yahay nin dhalinyaro xooggan, ay hanjabaadiisa ku abuurtay cabsi iyo inuu naftiisa u baqo.

Garsooraha maxkamadda Jonathan Brain ayaa laga codsaday inuu go’aamiyo xukunka in qof lagu caayo bidaartiisa, waxaana uu tilmaamay inay tahay «tacaddi jinsi ku salaysan.»

Waxaa go’aanka la qaatay laba garsoore oo ku wehliyay maxkamadda. Saddexda garsoore ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen «rag bidaar leh» oo u danqaday waxa lagu sameeyay Finn, sida uu qoray wargeyska TheDailyMail.com

Maxkamadda ayaa sheegtay in ereyada Jamie King loo fasiri karo kuwo lagu dhibaateynayay Finn, maadaama uu wax ka sheegay muuqaalka jirkiisa.

«Maxkamadu waxa ay go’aamisay in ereyada aflagaadada ah iyo in King uu Finn ku caayay bidaartiisa ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, oo meel ka dhac ku ah sharafta dhibbanaha, isla markaana lagu handaday,» ayuu sheegay garsooraha.

Maxkamadda ayaa lagu wargeliyay in Finn uu kiiskaas la wadaagay wiil uu dhalay oo ka tirsan booliska, isla markaana dacwadda si rasmi ah loogu gudbiyay booliska Galbeedka Yorkshire.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in Finn si aan habbooney looga eryay shaqadii uu ka hayay shirkadda British Bung, isla markaana uu mudan yahay in magdhaw ay siiso.

Go’aanka maxkamadda ayaa dhabaha u furi kara in dadka bidaarta leh aan lagu caayin timaha ka daatay, maadaama arrinkaa lagu dacweyn karo.

Waxyaabaha dhaliya bidaarta ragga ayaa waxaa kamid ah, isbedal hormoonka ah, dhaxal, xaalad caafimaad ama da’. Inkastoo dumarkuba ay qaarkood leeyihiin bidaarta, ayaa haddana waxa ay ku badan tahay ragga.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x