lørdag, april 20, 2024

Macalin baabuur la ganaaxay, isaga oo mobil adeegsanayo, ardeyna uu baabuurka wado.

Maxkamadda Koonfurta Rogaland ayaa macalin dadka bara wadista baabuurta ku ganaaxday 6000 kr, iyo leysinka oo laga xariiqay 3 dhibcood, kadib markii lagu qabtay isaga oo adeegsanayo mobilka gacanta, xili qof ardey ah uu baabuurka ku waday.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo 3000 kr oo ah qarashka ku baxay dhageysiga kiiska maxkamadda.

Booliska ayaa macalinkan istaajiyay isaga oo adeegsanayay mobilka gacanta, xili ardeyga baabuurka u saarnaa uu ku daayay masuuliyada wadista baabuurka. Ninkan ayaa qirtay inuu mobilka adeegsanayay, balse wuxuu diiday inuu aqbalo ganaaxa booliska, isaga oo sheegay in isaga uusan baabuurka wadin, sidaas darteed aan loo ganaaxi karin mobil adeegsi.

Maxkamadda ayaan ku qancin sharaxaada macalinkan, waxa ayna ku ganaaxday 6000 kr, iyo leysinka oo laga xariiqay sadex dhibcood.

Xigasho/kilde: Kjøreskole­lærer dømt i retten. Brukte hånd­holdt mobil mens eleven kjørte.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x