onsdag, april 24, 2024

Kala bar dadka Norway kunool oo lagula taliyay inay arrintan iska hubiyaan.

Dad “ burcad interneed” ayaa waxaa uu suurto gashey inay xadaan macluumaad ay leeyihiin dhowr milyan qof oo norwiiji ah. Waerarkan ayaa waxa uu dhacey horaantii May. Hey’ addaha dowlada ayaa Bulshada ugu baaqaya inay feejignaadaan.

Talaadadii, ayaa la ogaaday in shirkadda Norkart loo geystay weerar internet . Norkart ayaa ah Arintaan ayaa waxaa tabiyey wargeysyo uu ka mid yahay Dagbladet. Sida laga soo xigtay Norkart, weerarka ayaa la ogaadey 5-tii bishan May. Norkart ayaa isla markiiba qaadey tilaabooyin difaaced ayaggo adeegooda ka xirey qaybta raadinta macluumaad ka. Norkart ayaa sheegtey in isla maalintaas ay xaliyeen dhibaatadii suurta gelisay in la weeraro. Weerarka ayaa lagu wargeliyay booliska.
Leif Arne Brandsæter oo ah maamulaha guud ee Norkart. Wuxuu sheegay in laga yaabo in weerarkaas uu cawaaqib ku yeesho malaayiin qof.


“ Ma garanayno tirada saxda ah. Laakiin waxa arintani saamayn ku yeelan karta qof kasta oo ku qoran liiska mulkiilayaasha ama mulkiilayaasha hore ee hanti hataan ku leh ama kulahaa Norway. Cadadka dadkaan ayaa noqonayaa ilaa 3.3 milyan” ayuu soo tabiyay NRK.
Burcada internetka ayaa gacanta ku dhigey xog ay ka mid tahay magaca, cinwaanka iyo lambarka dhalashada. Dadka leh ciwaannada “address” qarsoon iyo kuwa dagan dhismayaasha gabbadka ah ayaa xogtooda sugantahay.

Lifaaqa hoos ku xusan ayaa waxaad ka akhrisan kartaa talaaboyinka kula gudboon inaad qaadid si aad xogtada u sugtid haddi aad kamid tahay dadka laga doonayo inee feejignadaan.
Norkart ayaa shaacisey in burcadu ka faaidesteen adeegeeeda raadinta. Adeegan ayaa uu suurto galinayey shirkada in ay toos u hesho xogta diiwaanka rasmiga ah ee hantida maguurtada ah taas oo shacabku ku leeyihiin Norway. Awooda ilaalinta iyo difaaca adeegan oo ahas mid hoseeya ayaa waxa uu suurtageliyey burcadda ay in la dagaan macluumaadka.

Ilaa hadda, Majiraan dhacdooyin muujinaya in macluumaadka la jabsadey si khaldan loo isticmaaley. Laakiin Brandsæter wuxuu dadka ka codsanayaa inay ka digtoonaadaan.

Waxa uu sheegay in dadka leh ama kireystay Boos “bugcad” ay aad u digtoonadaan . Brandsæter ayaa dadkaas kula talinaya in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaga sanduuqa boostada. Waxa kale oo uu sheegay in ay caqli gal tahay xannibaanka adeega baaritaanka macluumaadka deynta “ kredittsjekk”. Waxaa jira dhowr siyaabood oo macluumaadka la xaday loo isticmaali karo. Tusaale ahaan, waxaa suurtogal ah in lagu dalbado kaarka deynta magacaaga. Tan ayaan suurto galayn haddi qofku uu iska xanibbo adeega baaritaanka daynta. “ kredittsjekk”.


Waxaa xusid mudan inaad ogaatid xanibitaanka “ kredittsjekk” ka inuu sababi karo in ay kugu adkaadaan waxyaabaha qaarkood. Sida codsashada amaah bangi, wax iibsiga online-ka iyo beddelashada adeegyadda qaar. “kredittsjekk”ka ayaad furi iyo xiri kartaa marka aad donayso aqriste, adoo raacaya tilaabooyinka hoos ku xusan. Waa inaad gasho afar shabakadood barta ay ku leeyihiin internetka ama aad wacda si aad uu samayso xannibaadda. Bogga klartale ayaa laga yaba inuu shaqayn waayo. Waxa loogu baqaya dadweynaha in ay marar kala duwan ku noqdaan.

Tani waa sida aad u joojin karto hubinta macluumaadka deynta. “ kredittsjekk”

  • La xiriir dhammaan afarta shirkadood ee samayn karaa hubinta deymaha ee dadka caadiga ah. Kuwaas oo kala ah Bisnode, CreditSafe, Experian iyo EVRY.
  • Xanibaada ayaa laga doonaya in aad adigu iska qaado hadda u bahatid adoo qadaya isla tilaaboynkaan.
  • Haddii aad sidoo kale ledahay ganacsi, waa inaad xannibaada ka samaysa 16 shirkadood oo kala duwan.
  • Liiskooda waxaad ka heli doontaa Hay’adda Ilaalinta Xogta Norway (www.datatilsynet.no)
Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x