onsdag, april 24, 2024

Israel: ‘Putin wuxuu raaligelin ka bixiyey hadaladii wasiirkiisa arrimaha debedda’

Dalka Israel ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu raalligelin ka bixiyey hadal ka soo yeedhay wasiirkiisa arrimaha debedda Sergei Lavrov kaas oo xambaarsanaa weedho Yuhuud nacayb ah, kaas oo ay Israel aad uga cadhootay.

Sergei Lavrov ayaa lagu soo waramayaa in uu yidhi «Nacaybka ugu weyni wuxuu ka dhex jiraa Yuhuudda» iyo sidoo kale inuu sheegay in hoggaamiyihii Jarmalka ee Hitler inuu asal ahaan ka soo jeeday Yuhuudda, hadaladaas iyo kuwo kale ayuu ka mid ahaa weedhaha ay dhibsadeen Yuhuuddu, iyaga oo dalbaday in dalka Ruushku uu raalligelin ka bixiyo.

Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay telefishin laga leeyahay dalka Talyaaniga, isagoo doonayay inuu u qiil bixiyo dagaalka Ruushka. Mar wax laga weydiiyay sheegashada Ruushka ee ah in ay ku soo duushay Ukraine si ay «meesha uga saaraan aragtida Naziyiinta, ayaa Sergei Lavrov wuxuu sheegay inay Ukraine weli tahay meel ay ka sii muuqdaan raadadkii Naaziyiintu.

«Iminkaba marka ay yidhaahdaan ‘Sidee Naazinimadu uga dhex jiri kartaa haddii aan nahay Yuhuud?’ aniga aragtidayda waxaan qabaa, in Hitler laftiisu uu asal ahaan ka soo jeeday yuhuudda, taasi waxbadan soo kordhin mayso. Marar kala duwan waxaan ka maqalnay dadka Yuhuudda ah in kuwa ugu waaweyn ee ka soo horjeedaa inay ahaayeen Yuhuud” ayuu yidhi wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka oo la hadlayey telefishan laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Dawladda Israel ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushku uu raalli-gelin ka bixiyey hadalka wasiirkiisa arrimaha debedda «Ra’iisul wasaaruhu wuxuu aqbalay raali-gelinta madaxweyne Putin ee hadalkii Sergei Lavrov, wuxuuna uga mahad-celiyay inuu caddeeyo hab-dhaqankiisa ku aaddan dadka Yuhuudda ah iyo weliba xusuusta xasuuqii Holocaust,» sidaasi waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Israel Bennett.

Hase ahaatee qoraal ka soo baxay aqalka Kremlin ee looga arrimiyo dalka Ruushka ayaan lagu soo hadal qaadin in madaxweyne Putin uu bixiyey raalli-gelin, balse waxaa lagu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu xasuusan yahay dhibaatadii loo geystay dadka Yuhuudda ah iyo xeryihii lagu ciqaabi jiray, isagoo sheegay in dadka xeryahaas lagu ciqaabayey ay 40% ahaayeen dad ka soo jeeda Jamhuuriyadihii Midawga Soofiyeet.

Macluumaadkan qaar ka mid ahi wuxuu ka yimi wakaaladda wararka ee Associated Press.

Xigasho/kilde: VOA + AP

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x