lørdag, april 20, 2024

Hadiya Tajik oo dib u bixin doonta caNshuur gaaraysa 200.000 kr.

Wasiiradii hore ee shaqada iyo arimaha bulshada dalka Norway Hadia Tajik ayaa dib u bixin doonta lacag gaareysa 200.000kr oo ah caNshuur ah.

Arintan ayaa daba socota is casilaadii wasiiradu xilka iskaga casishay ee ku saab sanayd fadeexadii guryaha dawlada ee dhawaan madax badan galaafatay xilalkoodii iyo sumcadoodiiba. Hadia Tajik ayaa dhawaan lagu eedeeyey inay si khaldan uga faa’iidaysatay guryaha la siiyo madaxda dawlada ee loo yaqaan pendlerboligen intii u dhaxaysay 2006 ilaaa 2010.

Arintan ayay Tajik shaacisay kadib markii u horaysay ee ay waraysi siiso Tv-ga qaranka Norway NRK tan iyo marki ay xilka wasiirnimo iyo ku xigeenkii xisbiga shaqaalaha ee AP iska casishay bilo ka hor.

Tajik ayaa maalinta isniinta ah shaqada Baarlamaanka kusoo noqonaysa, oo ah xilka kali ah ee xiligan ay heyso, maadaama ay iska casishay xilalkii kale ee ay heysay. Waxeyna kasoo noqotay fasax xanuun oo in mudo ah ay ku maqnayd is casilaadeedii kadib.

Tajik ayaa kamid aheyd xubnaha ugu saamaynta badan siyaasada dalka Norway, iyada oo dhawaan loo aqoonsaday haweenayda ugu awooda badan dalka Norway.

Siyaasiyadan dhalinyarada ah ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Pakistan, laakiin ku dhalatay, kuna kortay, waxna kubaratay dalka Norway oo ay siyaasadiisa hada safka hore kaga jirto.

xigasho/kilde: Tajik etterbetaler 200.000 skattekroner

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x