fredag, april 19, 2024

FHI: Viruska apekopper wali Norway laguma arag.

Caabuqa (virus) dhif iyo naadirka ah ee apekopper somali ahaana noqonaya nooc busbus ah ayaaa waxaa lagu arkay qaar kamida wadamada Yurub oo ay kamid yihiin Sweden, UK, Spain iyo Portugal.

7dii bishan May ayaa markii ugu horaysay lagu arkay dalka Ingiriiska qof qaba xanuunkaas sida laga soo xigtay laamaha caafimaadka dalkaaas ayaa sheegay inuu qofkaasi kasoo qaaday xnuunka safar uu kutegayu dalka Negeria ee qaarada Africa, waxii intaas kadambeeyeyna caabuqu wuxuu kusii fiday wadamo yurub ah.

Sidoo kale waxaa lagu arkay dalka Sweden oo xad laleh dalka Norway isu socodka labada bulsho ee dalalkaasina ay aad u sarayso.

Sida hay’ada caafimaadka ee dalkaas Folkehålsmendigheter ay sheegtay waxa ilaa hada lagu arkay qof ku nool magalo madaxda dalkaas ee Stokhlom, waxaana socota baadhis in cidkale ay jirto.

Klara Sonden oo ka tirsan hay’ada caafimaadka ee dalka Sweden ayaa sheegay in qofka laga helay caabuqa xaaladiisu aad udarnayn daawayna lagu wado.

Dhanka kale hay’ada caafimaadka dad waynaha Norway ee FHI ayaa sheegtay inaysan ahayn wax caadiya in dalal saas ubadan oo Yurub ah lagu arko xanuunkan ayna si dhaw ula soconayaan xaalada walaw aan wali wax xaalad ah Norway laga soo sheegin.

Khariidada lasocoshada FHI ee caabuqan ayaa tusinaysa in Ingiriiska sagaal (9) case ama xaladood lagu arkay, Spain shan xaaladood (5), iyo sideed (8) Portugal ah.

Waxay kaloo khuburada hay’adu sheegeen in dadka ilaa hada lagu arkay caabuqa apekopper ay ubadan yihiin rag dhalinyaro ah oo galmo lasameeyey rag kale.

Sidoo kale waxay FHI sheegtay inay tahay markii u horaysay ee laga diiwaan geliyey Yurub iyo sidooo kale dad aan usafrin Africa ama xidhiidh layeeshay dad kale oo caabuqan qaba.

Caabuqan ayaa waxuu family ama qoys layahay caabaqa Kopper oo sida laqiyaasayey la dabar goooyey 1980kii.

Ma aha caabuq dhimasho badan keena waxaana lagu gartaaa calaamadihiisa finan wajiga kasoo baxa kuna fida jidhka oo dhan, xumad, muruqyo xanuun iyo in jidhku aad u qaboobo sida ay qortay NTB.

Sida FHI sheegtay xanuunkani waa mid sahlan qofkuna isbuucyo gudaheed ayuu ku caafimaadi karaa isagoon wax daawo ah qaadan.

Xigasho/Kilde: FHI: Ingen tilfeller av apekopper påvist i Norge

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x