tirsdag, april 23, 2024

Erdogan: Nato ma soo gelayaan Finland iyo Sweden.

Dowlada Sweden ayaa maanta shaaciyay inay dirsan doonto codsi ku aadan kamid noqoshada ururka Nato, xili maalmihii ugu danbeeyay aad loo hadal hayey in wadamadda Sweden iyo Findland ay codsan doonaa ku biirotaanka xulufada Nato.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa maanta sheegay in dalkiisu uusan ogolaan doonin in Sweden iyo Finland ay kusoo biiraan ururka Nato.

Warkan ayaa waxuu kusoo beegmay xili wasaarada arimaha dibada ee dalka Sweden ay sheegtay in iyaga iyo Findland ay u safrayaan xili dhaw dalka Turiga, si ay u gala xaajoodaan madaxda Turkiga codsigooda ku aadan kamid noqoshada Nato.

Erdogan ayaa mar uu ka hadlayey waftiga ka imaanaya labada wadan sheegay, in aysan waxba isku mashquulin inay halkan u yimaadaan inay nagala xaajoodaan kamid noqashada xulufada NATO.

Kamid noqoshada Nato ayaa waxaa khasab ah in 30 ka wadan ee xubnaha ka ah ay wada aqbalaan wadanka cusub ee raba inuu kamid noqdo ururka. Arintan ayaa ka dhigan in hadii uusan dalka Turkigu aqbalin caqabad wayn, ku noqon doonto inay NATO ka mid noqdaan dalalka Finland iyo Sweden. Xataa hadii 29ka wadan ee kale ay wada aqbalaan.

Dalka Turkiga ayaa hore waxa uu codsi ugu gudbistay kamid noqoshada midowga Yurub, balse ma helin aqblaad oo wali codsigiisa lama aqbalin.

Diidmada Turkiga ayaa waxay dad badan u turjuman karaan aar gudasho uu kaga aar gudanayo wadama qaar, maadaama isagaba hore looga hor istaagay kamid noqoshada midawga Yurub oo badi uu buuxiyey shuruudihiii looga baahnaaa.

Khubaradda qaarkood ayaa sidoo kale aaminsan in Turkigu uu ugu danbeyn ogolaan doono arrintan, balse uu ka dhiganayo kaar cadaadis oo uu kula xaajoodo dalalkan, maadaama horey Turkiga looga diiday codsiyo badan oo rabitaankiisa daleed la xiriira.

Xigasho/kilde: Erdogan sier han ikke vil godkjenne Sverige og Finland i Nato.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x