onsdag, april 24, 2024

Daawo: Dowlada Hoose: Reer Oslo-w qubeyska yareeya, biyaha dhaqaaleeya.

Degmadda Oslo ayaa markii labaad sanadkan 2022, dadka kunool magaalada ka codsaneyso inay dhaqaaleeyaan biyaha, ayna yareeyaan adeegsiga lagama maarmi karo ee biyaha. Arrintan ayaa ka dhalatay, kadib markii keydadka biyaha magaaladda uu ku yimid gabaabsi, xili roobkii gu’gu uusan wali si fiican uga tagin Oslo.

Degmadda oo fariin mobilka gacanta ugu dirtay dadka kunool magaaladda ayaa dadka kula talisay in la dhaqaaleeyo biyaha, si looga maarmo in biyaha magaaladda aysan yaraan, markaas oo degmadu ay ku qasbanaan doonto inay soo rogto talaabooyin dheeri ah oo lagu xakameynayo adeegsiga biyaha magaaladda.

Waxyaabaha ay degmadu dadka kula talineyso ayaa waxaa kamid ah:

  • In la yareeyo waqtiga uu qofku ku jiro qubeyska, uuna tuubadda biyaha xiro marka uu shaambo ama saabuun isku dhaqayo.
  • In la xiro biyaha tuubadda marka uu qofku cadeyga adeegsanayo.
  • In la yareeyo dhaqitaanka baabuurta

Halkan kasii akhri codsiga degmadda: Nå må vi spare på vannet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x