torsdag, mars 28, 2024

Dadkii ugu badnaa abid oo sanadkii lasoo dhaafay la siiyay jinsiyadda Norway.

41.000 qof ayaa sanadkii lasoo dhaafay la siiyay jinsiyadda Norway, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday wakaaladda tirokoobka ee SSB. Tiraddan ayaa aheyd tiradii ugu badneyd ee hal sano qaadata baasaboorka Norway, waxeyna laban-laab ka badan-tahay tirada dadkii jinsiyada Norway qaatay sanadkii 2020.

Sanadihii ka horeeyay 2020, dadka ugu badan ee qaadan jiray baasaboorka Norway, ayaa ahaa dadka kasoo jeedo qaaraddaha Afrika ama Aasiya. Balse wixii ka danbeeyay sanadkii 2020, markaas oo Norway ay ogolaatay in qofku uu isku heysan karo labo jinsiyadood, waxaa aad kor ugu kacay dadka dadkka Yurubiyaanka ah ee qaata baasaboorka Norway.

50% dadka sanadkii hore qaatay jinsiyadda Norway, ayaa ah dad dalal Yurub ah kasoo jeedo. Waxaa tirokoobka SSB lagu sheegay in dadka ugu badan ee sanadkii tagay lasoo dhaafay qaatay jinsiyadda Norway, ayaa kasoo jeedo dalka Sweden.

1831 qof oo soomaali ah ayaa sanadkii hore lasiiyay jinsiyadda Norway, sida ku xusan warbixinta SSB. Waxeyna soomaalidu ku jiraan booska shanaad ee dadka ugu badan ee qaatay baasaboorka Norway. Waxaana ka horeeyo dadka kasoo jeedo Sweden, Ereteriya, Ruushka iyo Filipiin.

Xigasho/kilde: Rekordmange fikk norsk statsborgerskap i 2021 i kjølvannet av ny lov.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x