torsdag, april 25, 2024

Booliska: Ilaa 10 isbuuc ayay qaadan kartaa helitaanka baasaboor cusub.

Boolisku ayaa ka digaya in wakhtiga soo saarka baasaboor cusub uu aad u kordhi doonto xagaagan iyo isbuucyadda soo socda. Waxeyna dadka kala talinayaan inay goostaan safar deg-deg ah, hadii uusan qofku heysan balan cusub oo cusbooneysiinta baasaboorka ah.

“Baahida shacabku uu qabo basabooro cusub way ka sarraysaa soo-saarista aan awooda u leenahay. Sidaa darteed, waa in la filayaa in wakhtiga sugitaanku uu sii kordhi doono bilaha soo socda” ayuu yidhi madaxa qaybta Arne Isak Tveitan oo ka tirsan agaasinka bilayska mar uu la hadlay TV 2.

Taliska booliska Norway ayaa sheegay in culayska ugu weyn ee hadda jira uu yahay agabka laga sameeyo basaboorada oo yar, iyo in tirada muwaaadiniinta baasaboorada ka  dhacayaan ay aad u badan tahay kadib labo sano oo uu socday safmarka corona.

Waxa la filan karaa sugintaanka helidda basaboorku in ay cel celis noqon karto todoba isbuuc, ama ka badan meelaha degmooyinka qaarkood. Waxa sidoo kale la filayaa in waqtiga dhalmada uu kordho xagaaga. Sidaas darteed, Luulyo ayaa wakhtiga sugitaanku basaboorku wuxuu noqon karaa toban(10) usbuuc, sida ay boolisku sheegeen.

“Hadda waxaan ku jirnaa xaalad adag oo aan awoodin in aan adeegyo caadi ah u fidinno dadweynaha. Guud ahaan, waxaanu kula talin lahayn dadka in aanay hadda ballansan safarro cusub, haddii aanay si nidaamsan u haysan dukumeentiga socdaalka”, ayuu boolisku sheegeen.

Xigasho/kilde: Advarsel fra politiet: Det kan ta ti uker å få nytt pass.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x