tirsdag, april 23, 2024

Bilayska ayaa si ku meel gaar ah loo hubayn doonaa 17-ka may.

Hogaanka booliska Norway ayaa go’aamiyay inhey’addaha iyo fal-celinta degdega ah ee dalka oo dhan si ku meel gaar ah loo hubeeyo, si loo xaqiijiyo amaanka munaasabadaha kala duwan iyo shirarka waaweyn ee maalinta qaranka, sidaas aaya warsaxaafadeed ku sheegay taliska booliska Norway.

“17-ka May waa maalin ay isku imaadaan inta badan shacabka Norway, ayna ku kulmaan munaasabado kala duwan. Waxaa la go’aamiyay in la hubiyo in bilaysku u diyaargaroobaan sugidda amaanka ee malinkaas”, ayay tiri taliyaha booliska Norway Benedicte Bjørnland.

“In kasta oo aysan jirin khatar gaar ah, haddana muhiimadda ay leedahay jawaab degdegga ah oo dhanka booliska ah, hadii ay wax dhacaan ayaa loo arkaa inay muhiimadda koowaad si loo xaqiijiyo diyaargarowga iyo feejignaanta ugu wanaagsan ee suurtogal ah” ayay tiri taliyaha booliska.

“Tani waa arrin aan si dhab ah u qaadanayno, Waxaan naga go’an inaan yeelano diyaargarow aad u sareeya maalinkas”ayuu Bjørnland ku tiri war-saxaafadeedka.

Xigasho/kilde: Politiet blir midlertidig bevæpnet på 17. mai – trusselbildet er uendret.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x