fredag, april 26, 2024

10 xildhibaan oo Soomaali ah oo lagu doortay London.

Doorashooyinkii dowladda hoose ee ka qabsoomay degmooyin ka tirsan magaalada London ayaa waxaa kusoo baxay tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo loo doortay xildhibaano golayaasha deegaanka ah.

Toban xildhibaan oo Soomaali ah ayaa ilaa hadda warbaahinta Britain ay shaaciyeen inay kusoo baxeen doorashooyinkaasi, kuwaasi oo uu sharxay xisbiga mucaaradka ee Labour Party.

Degmooyinka muhiimka ee looga guuleystay xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa ka mid ah degmada Westminster oo ah halka ay degan yihiin hay’addaha dowladda.

Xisbiga mucaaradka shaqaalaha Labour Party ayaa sanadkaan guul muuqata ka gaaray xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo lumiyay kuraas iyo degmooyin weligood u xerna xisbiga Conservative-ka.

Xisbiga Conservative-ka ayaa laga eryey degmada Wandsworth ka mid ah London, oo ay maamulayeen tan iyo 1978-kii. Waxay sidoo kale lumiyeen degmada Barnet, oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 1964-kii marka laga reebo laba doorasho.

“Natiijo cajiib ah, gebi ahaan cajiib ah, I rumeysta tani waa isbeddel weyn oo ku yimid doorashadii 2019,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Keir Starmer oo taageerayaashiisa kula hadlay London.

Codbixintan ayaa tijaabo doorasho u ah Johnson tan iyo markii uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee British ah ee sharciga jebiya isaga oo xafiiska jooga.

Waxaa bishii lasoo dhaafay loo ganaaxay inuu ka qeyb-galay xaflad dhalasho oo ka dhacday xafiiskiisa 2020-kii, isaga oo jebiyey xayiraadihii dowladda soo rogtay ee lagu xakameynayey faafitaanka cudurka COVID-19.

Guuldarrooyinka golayaasha deegaanka London, oo inta badan laga xaaqay Conservative-ka ayaa cadaadiska ku kordhin doona Johnson oo bilooyin badan dagaal ugu jiray badbaado siyaasadeed.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x