fredag, mars 29, 2024

Xildhibaan Maryan: La kulanka Gudoomiye Xaliimo waa ii sharaf.

Isbuucan waxaa dalka Norway ku sugneyd Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim( Xaliimo) Yareey. Taas oo Oslo u joogtay ka qeybqaadashada shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Gudoomiye Xaliimo oo shirka ay u timid ka sakow kulamo la qaadatay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Norway, iyo ururadda xiiseeya arrimaha Soomaaliya ee dalkan ka dhisan, ayaa sidoo kale booqasho ku tagtay aqalka baarlamaanka Norway, oo kusoo dhaweysay Xildhibaanadda Soomaalida ah ee katirsan golaha, Maryan Cabdi Xuseen.

Xildhibaan Maryan ayaa Gudoomiye Xaliimo kusoo wareejisay qeybaha aqalka baarlamaanka Norway iyo taariikhdiisa. Waxeyna Maryan oo bogeeda Facebooga soo dhigtay qoraal sheegtay inay sharaf u tahay la kulanka Xaliimo oo ka sakow in ay tahay gudoomiyaha gudiga doorashada ee Soomaaliya, aheyd qof u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda dumarka.

Kulanka labaddan masuul ee soomaalida ah ayaa kusoo aaday xili baarlamaanka Soomaaliya ay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya ku guuleysatay Sacdiyo Salaad Samatar oo ah haweeneydii ugu horeysay ee abid kamid noqota gudoonka baarlamaan Soomaaliyeed.

Gudoomiye xaliima ayaa Oslo u timid ka qeybqaadashada shir ay soo qaban-qaabiyeen ururadda Somali Norwegian Strategic Partners( SNSP) iyo Fellesrådet Afrika, ayaa isbuucan sidoo kale la kulantay wasaaradda arrimaha dibadda Norway, gaar ahaan Ergeyga Gaarka ah ee Norway ee Soomaaliya, Heidi E. Johansen, iyo madaxa safaaradda Norway ee Muqdisho Haakon Svane. Sidoo kale Haliimo ayaa mudada ay joogto Norway la kulantay ururo toboneeyo gaarayo oo ay kamid yihiin ururka Norwegian Council for Africa, Development Fund, Utviklingsfondet iyo The Oslo Center.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x