lørdag, april 20, 2024

Wiil loo xukumay inuu sawiro qaawan Snapchat ku faafin jiray.

Wiil dhalinyaro ayaa loo xukumay fal danbiyeeydo ay kamid yihiin inuu sawiro qaawan ku faafin jiray barta bulshada ee Snapchat. Uuna masuul ka ahaa profil snapchat ah oo sawirada qaawan ee dadka lagu soo bandhigo.

Wiilkan oo dhowr iyo sano jir ah ayaa qirtay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana lagu xukumay labo sano oo xabsi tijaabo ah( La xirayo, hadii uu danbi cusub sameeyo labadaas sano), iyo hey’ addaha dhalinyaradu ay daba-socod ku sameeyaan.

Waxyaabaha loo xukumay waxaa kamid ah inuu heystay muuqaalo galmo ah oo muujinayo caruur yar, iyo inuu muuqaladaas dad kale la qeybsaday.

Wiilkan ayaa maxkamadda kahor sheegay in sawiradan ay dadka kale usoo direen, isaguna uu sii qeybiyay, uuna sameeyay koonto snapchat ah oo lagu qeybiyo sawirada qaa-qaawan.

Xukunkan ayaa kusoo aadayo xili hey’ addaha boolisk ay sheegeen inay aad wel-wel uga qabaan muuqaalada iyo sawiradda anshax xumadda ah ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Xigasho/kilde: Barnevernsvikar dømt for å ha sendt nakenbilder til beboer.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x