torsdag, april 25, 2024

Wasiirka difaaca Norway oo is-casilay: Xiriir galmo uu gabar 18 jir ah la lahaa darteed.

Odd Roger Enoksen oo ahaa wasiirka difaaca Norway ayaa maanta iska casilay xilkii wasiirnimo, kadib markii ay soo baxday in sanadkii 2005 uu wasiirku xiriir galmo la lahaa gabar ardayad 18 sano jir ah.

Is casilaadda wasiirka ayaa timid kadib markii uu wargeyska VG fashiliyay in wasiirku uu xiriir galmeed la lahaa gabar ardayad 18 sano jir ah. Wasiirka ayaa xiliga ay arrintan dhaceyso da´ahaan jiray 50 sano, wuxuuna ahaa xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway oo xaasle ah.

Wasiirka oo katirsan xisbiga Sp ee bahwadaagta siyaasadeed la ah xisbiga Ap, ayaa raaligalin ka bixiyay arrinta uu sameeyay oo aheyd xiriirka uu gabadhaas yar la lahaa. Wuxuuna reysulwasaaraha dalka ku wargaliyay inu xilka ka dagayo.

Waxey isku barteen kulan bulsho:

Wasiirka xilka ka dagay oo wareysi siiyay VG ayaa sheegay in xiriirka isaga iyo gabadhan uu bilowday markii ay isku arkeen kulan bulsho. Sanad kadibna uu bilowday xiriirkooda. Wasiirka ayaa sheegay inuusan wax awood ah oo dowladeed ama xil siyaasadeed ah uusan u adeegsan. Uuna xiriirkaas ahaa mid dhexdooda ah oo isfahan ku dhisan.

Haweeneyda uu wasiirku xiriirka la lahaa ayaa sheegtay in arrintaas ay saameyn adag ku yeelatay, ayna mudo dareemeysay ceeb iyo yax-yax.

Xigasho/kilde: Forsvarsministeren går av som statsråd etter å ha beklaget forhold til ung kvinne.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x