torsdag, april 25, 2024

Wareysi wasiiradda caafimaadka Norway: Talooyinka iyo sharciyadda safarka iyo shahaadada talaalka.

Isbuucan waxaa dalkan Norway ka bilaabanaya fasaxa påskeferien oo sanadkiiba xiliyadan oo kale la qaato Norway. Hadaba maadaama dad badan aysan dalka dibadiisa u safrin labadii sano ee ugu danbeeyay, waxaa la qiyaasayaa in dad badan ay u socdaan ama ay qaban-qaabinayaan inay u baxaan dalka dibadiisa, si ay fasax u aadaan ama dalxiis u tagaan.

Fasaxa Påskeferien ayaa kusoo aadayo xili tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka corona ay kor usoo kaceyso dalalka Yurub, tusaale ahaan Germany iyo Faransiiska. Waxaana dhici karto in dadku ay u safraan dal xaaladiisa corona ay ka duwantahay xaaladda feyruska ee Norway.
Dalalka Yurub ayaa waxaa wali ka jira sharciyo kala duwan oo ku saabsan xakameynta faafitaanka feyruska corona.
Wasiiradda caafimaadka dalkan Norway oo warbaahinta NorSom TV u warantay ayaa dadka raba inay u baxaan safar dibadda ah kula talineyso inay si fiican isaga hubiyaan. App-ka Reiseklar oo qofku kula soo dagi karo mobilkiisa gacanta
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee qofka u baxayo safar dibadda ah muhiimka u ah, ayaa waxaa kamid ah warqadda cadeynta qaadashadda corona oo qofku uu digital ahaan ama waraaq ahaan u heli karo.

Halkan ka daawo wareysiga wasiiiradda caafimaadka Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x