fredag, mars 29, 2024

Ukraine oo xirtay 2200 nin oo rabay inay qaxaan.

Dowlada Ukraine ayaa ilaa hada xirtay 2200 nin oo gaashaan-qaad ah, kuwaas oo rabay inay dalka ka qaxaan. Ilaaladda xuduudaha Ukraine ayaa qabtay raggan, xili ay isku dayayeen inay ka baxsadaan dalkaas, ayna u qaxaan dalalka dariska ah.

Kadib markii uu Ruushku weerar kusoo qaaday Ukraine, dowlada dalkaas ayaa soo rogtay sharci mamnuuc ka dhigayo in ragga qaan-gaarta ee da´doodu ay u dhaxeyso 18 ilaa 64 sano, aysan ka bixin karin dalkaas. Maadaama looga baahnaan karo inay garab u noqdaan ciidamadda difaaca dalkaas, ama ay noqon karaan ciidan hubka qaata.

Waxaa lasoo warinayaa in rag badan oo reer Ukraine ah ay isku dayeen inay laaluush siiyaan ilaaladda xuduudaha dalkaas, si ay uga baxsadaan dalkaas. Halka kuwa kalena ay sameysteen waraaqo sheegaya inay xanuunsanyihiin, ama ay kor u qaadeen da´dooda, si ay ugu suurtogasho inay baxsadaan.

Ilaaladda xuduudaha Ukraine ayaa sidoo kale soo warinayo in ragga qaarkiis ay isku dayeen tahriib ku maraan buuraha, si ay dhuumasho ahaan uga baxsadaan dalkaas.

Xigasho/kilde: 2200 ukrainske menn pågrepet på vei ut av landet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x