lørdag, april 20, 2024

Teesarahii Koroonaha oo mudda kordhis loo sameeyay.

Xukuumadda ayaa kordhinaysa muddada uu shaqeynayo sharci ahaan teesaraha Koroonahaa, waxaa laga dhigay inuu shaqeynayo ilaa iyo 30ka juun ee sannadka 2023.

Muddada ku meel gaarka ah ee xeerarka teesaha koroonaha oo hoos yimaada sharciyada cudurada faafa ama la isqaadsiiyo ayaa ku eg 1.juun ee sannadkan laakiin xukuumadda ayaa rabta inuu sii dhaqan galo sannad hor leh.

Waa inaan isu diyaarinno isbedel ku yimaadda xaaladda faafitaanka oo keeni karta in la qaado tallaabooyin deg deg ah . Diyaar garoowga dartiis waxaa lama huraan noqonaysa inay suurta gal noqoto isticmaalka teesaha koroonaha bisha juun ka bacdi, sidaa waxaa shir jaraaid ka tiri Ingvild Kjerkol (AP) oo ah wasiirka caafimaadka iyo daryeelka.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no: Foreslår å forlenge reglene om koronasertifikat.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x