torsdag, april 25, 2024

Shir: Gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashada oo Oslo marti ku ah.

Waxaa isbuucan magaaladda Oslo ka dhici doono shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo ay marti ku tahay gudoomiyaha gudiga madax banaan ee doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey). Waxaana kasoo qeybgali doono ergeyda gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Norway, Heidi. E. Johansen.

Kulankan oo ay isla soo qaban-qaabiyeen ururada Norwegian Council for Africa iyo ururka Somali Norwegian Strategic Partners, ayaa diiradda lagu saari doonaa sababaha keenay in doorashada Soomaaliya ay noqoto mid keentay jahwareer badan iyo dib u dhac xoogan, iyo sida looga bixi lahaa in arrintan aysan mar kale soo noqon. Waxaa sidoo kale kasoo qeybgali doono Stig Jarle Hansen oo ah barre wax ka dhiga jaamacadda Ås iyo Mukhtaar Aynaanshe, La taliyihii hore ee amniga ee Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

Shirka waxaa hagaya wariyaha caanka ah ee Sverre T. Radøy oo katirsan telefishinka qaranka Norway ee NRK.

Shirkan oo ah mid u furan oo ay kasoo qeybgali karaan dhamaan dadweynaha, ayaa maalinta arbacadda ah ee isbuucan wuxuu ka dhici doonaa guriga dhaqanka Norway( Kulturhuset), wuxuuna bilaaban doonaa saacadda 18:00.

Wixii faah-faahin ee ka fiiri halkan: Afrika Nå: Elections in Somalia and the road ahead.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x