lørdag, april 20, 2024

Ruushka: Boris Johnson masoo gali karo dalkeena.

Moscow ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka mamnuucday Ra’iisulwasaaraha Britain Boris Johnson iyo saraakiil sarsare oo dalkaasi u dhashay, tani oo timid ka dib markii London ay cunnaqabateyno ku soo rogtay Russia oo ciidankeedu uu ku duulay Ukraine.

Hadal ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayay ku sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay ololaha siyaasadeed ee London ee “ujeedkeedu yahay in Ruushka loo go’doomiyo si caalami ah.”

Wasaaradda ayaa ku eedeysay London in ay qaadday “ficillo colaadeed oo aan horey loo arag” taasi oo ay kala jeeddo cunnaqabateynada ay ku soo rogtay saraakiil sarsare oo Ruush ah.

Xubnaha laga mamnuucay in ay tagi karaan Ruushka waxaa kale oo ka mid ah Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Ingiriiska Dominic Raab, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace, Ra’iisulwasaarihii hore Theresa May iyo wasiirka koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon.

Britain ayaa qeyb ka ahayd dadaallada caalamiga ah ee lagu ciqaabayo Ruushka oo ay ka mid tahay xannibaado hantiyeed, xayiraad dhanka socdaalka ah iyo cunaqabatayn dhaqaale oo la saaray Ruushka tan iyo 24-kii bishii February oo ay ciidankiisa ku duuleen Ukraine.

Xigasho/kilde: VOA+ AFP

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x