lørdag, april 20, 2024

Reer Norway oo mar kale u sharaxan qabashada xilka gudoonka golaha shacabka Soomaaliya.

Waxaa isbuucan la dhaariyay inta badan xildhibaanadda cusub ee golaha aqalka shacabka Soomaaliya, iyaga oo yeeshay kalfadhigoodii ugu horeeyay maalintii shaley aheyd. Isla shaleyba waxey doorteen gudi 10 xubnood ah oo soo diyaarin doono doorashada gudoonka aqalka shacabka, taas oo la filayo inay dhacdo maalmaha nagu soo aadan.

Abdullahi Adan Ahmed (Black): Musharax reer Norway ah.

Xildhibaanadda ugu cadcad qabashada xilka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaa kamid ah Cabdulaahi Aadan Axmed oo kumagac dheer( Black), lagana soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Cabdulaahi oo sidoo kale ahaa wasiir katirsanaa dowlada Koonfur Galbeed, ayaa katirsan jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway. Wuxuuna Black ku noolaa gobolka Østfold, sida ay noo xaqiijiyeen saaxiibadiisa ugu dhow.

Musharaxnimadda Cabdulaahi Black ayaa ka dhigan in jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway, ay mar kale fursad u heli karto hogaanka golaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay isugu imaadaan xildhibaanadda laga soo doortay dhamaan deegaan-doorashooyinka Soomaaliya.

Horey waxaa xilkaas labo mar oo kala duwan ugu guuleystay Maxamed Cismaan Jawaari oo sanadkan aan ka mid miqan golaha shacabka uu hogaaminayay mudo 6 sano oo u dhaxeysay 2012-2018. Jawaari ayaa intii uusan ku biiirin siyaasadda Soomaaliya, waxa uu macalin cashar bixiye ka ahaa jaamacadda Trondheim, wuxuuna sidoo kale ahaa qof waxtar weyn u leh soomaalida kunool magaalada Trondheim iyo guud ahaan gobolka Trøndelag.

Inkasta oo dalkan Norway ay guud ahaan kunool yihiin jaaliyad Soomaaliyeed oo gaareyso ilaa 45.000, tiradaas oo aad u yar marka la fiiriyo soomaalida qurbaha kunool, hadana waxey si aad ah ugu dhex muuqdaan heerarka kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya. Waxaana horey usoo maray xili ay wada heysteen labo(2) kamid ah sadexda xil ee ugu sareeyo Soomaaliya, waana xiligii ay xilka wada joogeen Xasan Cali Kheyre oo reysulwasaare ahaa iyo Maxamed Cismaan Jawaari oo Gudoomiye baarlamaan ahaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x